|

“Somaliland Wax Yaalla Oo Aanu Hungurayneynaa Ma Jiraan, Madaxweynaheeda (Noqo) Ayaanaan Ku Qanceyn…..” Dr. Galaydh DAAWO

Jabuuti 28. March 2017 (SDN/QJ):- Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegey in ay sii socon doonaan wada-hadallada u dhexeeya Dawladda Somaliland, isagoo beeniyey warar Qurba-joogta Khaatumo fidiyeen oo sheegayey inay burbureen Wada-hadalladu.

Cali Khaliif isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “Wadahadalkii Jabuuti ee Khaatumo iyo Somaliland ma burburin, mana burburayaan oo annaguba Caqligayaga ayaanu qabnaa, markaa waa been kuwa Qurba-joogtu ee arrintaasi (sheegayaa), Qurba-joogtu waxayba noqdeen cudurka noogu wayn, markaa ma bur-burayaan oo waanu ka bogan doonaa, wakhti badanna way qaadan.”

Cali Khaliif oo ka hadlayey Dalka Imaaraadka Carabta oo uu dhawaan Safar ku tagay, ayaa waxa kale oo uu sheegay “Waar wax aan Dadka Sool iyo Sanaag u cuntamin uma keenayno, annagu ma waalin oo Dadka uma keenayno waxayna Dadku rabin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Wax Hargeysa yaalla oo aan Anigu Cali ahaan ama intaanu Xukuumadda ku nahay u hunguraanayaan ma jiraan, Madaxweynaheeda ayaanaan ku qancayn, Wasiirkeeda ayaanaan ku qancayn, Ciidammadeeda xukun baanan ku qancaynin, laakiin waxa keliya ee aanu ku qancaynaa waa Nabad aynu ku wada noolaanno, aynu isla baadh-baadhno waxyaabaha aynu isla ogolaan karno hadday jiraan.”

Wada-hadallada uu beeniyey inay burbureen, ayaa doraad ka furmay Magaalada Jabuuti, waxaana qorshuhu yahay in Isniinta Shalay la soo gebogabeeyo.

Comments are closed