Raysal Wasaaraha Somalia oo Keenay Xeelad uu Golihiisa Wasiirada Cod kaga Helo Baarlamanka Somalia
Muqdisho 28. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wada qorshe uu ku doonayo in Xuukuumadiisa ay ku meel marto, waxa uuna waqti badan ku bixinayaa sidii Xukuumada uu soo dhisay u heli laheed Codka Kaldsoonida Baarlamaanka.
Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaaraha ayaa koox koox iyo mid mid ula kulamy golaha Wasiirada cusub, waxa uuna kala hadlay sidii looga gudbi lahaa marxalada adag ee lasoo daristay iyo sidii ay ku heli lahaayeen codka Kalsoonida.
Ra’isul Wasaaraha ayaa u sheegay Golihiisa Wasiirada in isagu uu heesto fursad labaad uu kusoo dhiso Xukuumada cusub hadii tan hada dhisan loo diido Klasoonida , waxa uuna u cadeeyay cida aan fursad labaad heleyn in iyagu yihiin Wasiirada magacaaban.
Waxa uu ka codsaday Wasiirada si ay u helaan Kalsoonida Baarlamaanka in ay ka shaqeeyaan sidii ay usoo kasban lahaayen codkoodana u heli lahaayeen Xildhibaanada Baarlamaanka ku jira ee ku qabiilka ah iyo kuwa saaxiibada la’ ah.
”Waxaa la idinka rabaa in aad fadhiga ka kacdaan ood raadsataan kalsoonida Baarlamaanka, hadii la idin soo diido aniga wali fursad kale aan xukuumada kusoo dhisi karo ayaan heestaa laakin cida aan fursad kale heleyn waa idinka , kaca oo kasbada Xildhibaabnada tolkiina ah iyo kuwa saaxiibada idin la ah” Ayuu u yiri R/Wasaare Kheyre oo la hadlay golihiisa Wasiirada.
Golaha Wasiirada Cusub oo qaatay talada Ra’isul Wasaaraha ayaa dhankooda bilaabay in ay raadsadaan codka Kalsoonida Baarlamaanka, waxaana lasoo sheegayaa in Wasiir kasta koox Xildhibaano ku qabiil ah iyo kuwa saaxiibo yihiin uu geenayo Xafiiska R/Wasaaraha lagana saxiixayo buug gaar ah oo loogu tala galay.
Wasiirada qaarkood ayaa sidoo kale Hoteelada Muqdisho kawada olole xoogan ay ku kasbanayaan codka Kalsoonida Baarlamaanka, waxa ayna kulamo la qaateen Xildhibaanada ay xigtada yihiin iyo kuwa saaxiibada la ah.
Sida aan Wararka ku heleyno qaar badan oo kamid ahaa Xildhibaanadii kasoo horjeeday golaha Wasiirada cusub ayaa lakala fur furay, waxaana wali harsan tiro yar oo kamid ah Xildhibaanada uu horboodayo Gudoonka Baarlamaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa wada dadaalo xoogan ay ku kala fur furayan Xildhibaanada wali mucaaradsan Xukuumada cusub, waxaana Xildhibaanada qaar loo sameeyay balan qaadyo kala duwan.
Xukuumada cusub uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Kheyre oo ah xukuumad tayo leh ayaa lasoo sheegayaa in hada heesato Kalsoonida iyo taageerada inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaana la filayaa in Baarlamaanku Codka Kalsoonida siiyo Xukuumada cusub marka la horgeeyo.