Bangi Mallaayiin Lacag Ah Qaldamay Oo Loogu Magac Daray Bangiga Ugu Doqonsan Adduunka !
Parlin 28. March 2017 (SDN/QJ):- Bangiyada oo had iyo jeer ka digtoon in dhaqdhaqaaqa ay lacagaha ku kala wareejinayaan ama ku kala dirayaan uu ahaado mid aad looga fiirsado.
Arrin ku cusub caalamka bangiyada ayaa la soo daristay Bangi laga leeyahay Dalka Jarmalka oo la yidhaahdo KFW, kaasi oo ku hawlanaa arrimaha Maalgashiga ayaa waxa uu si qaldan u xawilay lacag dhan 5.4 Millyaar oo Euro, waxaanu lacagtaasi u kala diray afar Bangi oo kala duwan bishii hore.
Sida Wargeyska Himilo ka soo xigtay Wakaalada Bloomberg ayaa waxa lagu sheegay in arrintani ay sabab u ahayd in bixinta lacagtu ay soo noqnoqotay dhawr jeer oo kala duwan, dhinaca kale qof xogogaal ah oo qariyay magaciisa ayaa waxa uu xaqiijiyay in bangigu uu dib ula soo noqday lacagtaasi isaga oo aan wax khasaare ah galin.
Ma aha markii ugu horraysay ee Bangigani uu qaldo lacago uu kala xawaliyay, laakiin sanadkii 2008 dii ayaa waxa ku dhacday xaaladdan oo kale, waxaanay madaxda bangigaasi xaqiijiyeen in si nabad qabta loo soo celiyay lacagtaasi oo ahayd 300 oo Milyan oo Euro, dhinaca kale warbaahinta dalkaasi Jarmalka ayaa Bangigan ugu magac dartay “Bangiga ugu doqonsan Bangiyada Dalka Jarmalka”