“Waxaan Caddaynayaa inay Iga go’an Tahay inay qabsoonto doorasho Xor iyo Xalaali 13-ka bisha 11-aad 2017..” Madaxweyne Siilaanyo DAAWO
Hargaysa 27. March 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markii ugu horreysay ka hadlay muddo-kordhinta markii labaad loo sameeyey isaga iyo Ku-xigeenkiisa oo horraantii bishan Guurtidu ansixisay, waxaanu sheegay inuu ahaa go’aankii ugu adkaa ee soo maray intii uu talada dalka hayey, waxaanu khadlay waqtiga muddada ay Guurtidu u qabatay inay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoonto oo uu ku sheegay 13-ka bisha 11-aad 2017-ka, halka ay Guurtidu u qabatay in la qabto 13 bisha 12-aad 2017-ka.