|

Gabdho Walaalo ah oo iyaga iyo Darawalkoodii oo uu Daad Ku Qaaday Dooxa Aw-Barkhadle DAAWO

Hargaysa 27. March 2017 (SDN/QJ):-Allaah ha u naxariistee Laba Gabdhood oo Walaalo ah oo la kala odhan jiray Foosiya Maxamed Yuusuf iyo Asma Maxamed Yuusuf ayaa geeriyooday, ka dib markii Gaadhi ay wateen oo nooca Surff-ta loo yaqaan ah Daad ku qaaday Dooxa Aw-Barkhadle oo dhinaca Bari kaga beegan magaalada Hargeysa, iyaga oo ka yimi dhinaca magaalada Berbera.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Axmed Abbokor, ayaa u xaqiijiyey Horn Cable TV, labadaas Hablood iyo Gaadhigii ay wateenba waxaa qaaday Daad ka rogmaday Roob galabta ka da’ay deegaankaas iyo nawaaxisiigasa, isla markaana Daad badan ku rogay Dooxa Aw-Barkhadle, iyaga oo u soo socday dhinaca magaalada Hargeysa.

Sidoo kale Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) oo Warbaahinta qaar la hadlayey xalay, ayaa sheegay in labada Gabdhood ee Walaalaha ah iyo Darawalkii Gaadhiga u waday-ba uu Daadku qaaday oo ay saddexdooduba halkaas ku dhinteen. Waxaanu farriin u diray Bulshada u kala gudbaysa magaalooyinka dalka inaanay isku dayin xilli roobaadka inay ka gudbaan ama dhex-maraan Dooxyo Biyo socdaan.

Dhanka Kale Maydka Labadan Hablood ayaa Maanta lagu Aasay magaaladda Hargaysa.

Warbixinta Warkaas Hablahaas uu Daadku ku qaaday Dooxa Aw-Barkhadle, waxaannu idiinku soo gudibnaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho-dhegaysi Habboon:-

Comments are closed