|

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somalia oo soo bandhigay arin dad badan ka qarsooneed DAAWO

Muqdisho 27. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qarxiyay arin cusub oo inta badan umada Soomaaliyeed ka qarsooneed .

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in halka Cashuurta iyo daqliga dowlada ka soo gala ay tahay kaliyah Dekada iyo Airpor-ka Muqdisho , halka dekadaha maamulada kale ay cunaan caanshuurahooda .

Mr.Maareeye ayaa carabka ku dhuftay in caanshuuraha laga helo degmada Afgooye uu qaato maamul goboleedka Koonfur Galbeed . Dhanka kale Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Soomaalidu tahay dad aad u xiiso badan hadii maanta Sheekh Nuur Baaruud Gurxan Madaxweyne laga dhigana ay Tuug ku tilmaami doonaan .

 

Comments are closed