|

Dalka Mareykanka Oo Adkeynaya Bixinta Dal-ku-galka Iyo Qofka Codsada Oo La Baadhidoono Boggaga Xidhiidhkiisa Bulshada

Washington 25. March 2017 (SDN/QJ):-Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa weydiisatay Safaaradaha iyo qunsuliyadaha Mareykanka ee caalamka in ay baadhitaano dheeraad ah ku sameyaan dadka qaar marka ay dalbanayaan fiisooyinka.

Amarrada kale ee la siiyey safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Mareykanka ayaa waxaa kaa mid ah in ay dib u eegis ku sameeyaan bogaga ay baraha bulshada ku leeyihiin dadka kasoo dalbada viisooyinka ee looga shakisanyahay argagixisanimo ama inay ku noolyihiin deegaanada ay ka taliso Kooxda Daacish.

Tilmaamahan cusub ee ay waaxda arrimaha dibada u dirtay safaaradaha Mareykanka ayaa dhigaya in xitaa kuwa aanan looga shakisaneyn kooxaha argagixisada ay mari doonaan baadhitaano dheeraad ah, taasoo ay ku muteysan karaan in lagala laabto dal-ku-galka hadii loo baahdo.

 

Adkeynta Fiisooyinka Mareykanka ayaa qeyb ka aheyd balanqaadyadii uu madaxweyne Trump kusoo galay ololihiisii doorashooyinka.

Comments are closed