Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Macallin Dhawr Cisho u Xidhnaa inay Sadexdiisa Magac Iyo Naanaysta ka Midaysan Yihiin
Hargaysa 25. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo ayaa Madaxtooyada maamulkiisa ku qaabilay nin ku magac ah oo dhawaan ciidamada ilaalada nabad galyada wadooyinka ku xireen magaalada Hargeysa.
Warbaahinta ayaa si weyn u tabisay in Ciidamada booliiska Somaliland ay xidheen Macalin bare ka ahaa dugsi kuyaala magaalada Hargeysa, waxaana sababta ninkan loo xiray lagu sheegay in uu wato magaca Madaxweynaha Somaliland.
Macalinka la xidhay iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa isku mid ka ah sadexda magac hore, sidoo kale macalinka ayaa wata naaneesta Madaxweynaha ee ah Siilaanyo, taa oo keentay in ay xiraan ciidamada booliiska.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku casuumay Madaxtooyada Somaliland Macalinka kumagaca ah, waxa ay Madaxweynaha Iyo Macallinku yeesheen kulan gaar ah oo u badnaa kaftan, waxaana macalinka laga raali galiyay xariga loo geestay.
Dhacdadan lagu xiray Macalin Axmed Maxamed Maxamud oo isna loo yaqaan Silaanyo ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayay baraha Bulshada kuwada xariirto, waxaana xariga macalinka loo geestay si weyn u cambaareeyay dad badan oo Soomaaliyeed.