Inta badan Xildhibaanadii kasoo horjeeday Golaha Wasiirada cusub oo lakala fur furay (Warbixin)
Muqdisho 25. March 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay kulamo kala duwan oo lagu kala fur furayay Xildhibaano dhoor ah oo sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Wasiirada cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre.
Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo inta badan Golaha Wasiirada ayaa siyabao kala duwan ula kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan kuwa mucaaradka , waxa ayna ka dalbadeen in ay taageeraan Xukuumada cusub ayna siiyaan codka Kalsoonida.
Sida aan Wararka ku heleyno Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Golaha Wasiirada ayaa ka dalbaday in ay raadsadaan codka Kalsoonida Baarlamaanka, waxa uuna u sheegay in muhiim tahay in Xildhibaanada ku kasbadaan saaxiibtinimo iyo qaab qabiil intaba.
Golaha Wasiirada ayaana bilaabay in si hoose ula kulmaan Xildhibaanada ku heybta ah iyo kuwa ay saaxiibada yihiin , waxa ayna Wasiirada ka dalbadeen Xildhibaanada in fursado la siiyo si ay u qabtaan howlaha adag ee horyaala.
Inta badan Xildhibaanadii cadeeyay in ay kasoo horjeedaan Xukuumada cusub ayaa kala fur furay, waxaana xildhibaanada qaar loo sameeyay balan qaadyo halka Xildhibaano kalana iyana lagu qanciyay in ay taageeraan Xukuumada cusub.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Xildhibaanada iyo Gudoonka Baarlamaanka cadaadis ku saareysa in la meel mariyo golaha Wasiirada cusub, waxa ayna Xubnaha Wakiilada Beesha Caalamka sheegeen in aysan xiligan macquul ahyeyn i waqti kale la lumiyo.
Xildhibaanada kasoo horjeeday Xukuumada cusub ayaa isugu jira kuwa iska waayay liiska golaha Wasiirada iyo kuwa aan ku qancin qaabka loo qeybiyay wasiirada iyo Xubnaha ay beelahooda ka heleen Xukuumada cusub.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan Baarlamaanka horgeeyo Golihiisa Wasiirada, waxaana la filayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka ay codka kalsoonida u siiyaan Xukuumada cusub si aqlabiyad leh.