|

‘‘Baashe Cawil in Madaxweynuhu Soddog u Yahay Dadka Liisan uma Siinayso Inay Dhaleeceeyaan’’ Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland

Hargaysa 24. March 2017 (SDN/QJ):- Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in eedaha loo jeediyo xubno ka mid ah qoyska madaxtooyadda, gaar ahaan Wakiilka Somaliland u fadhiya imaaraadka carabta Baashe Cawil, ay yihiin qaar  aan xaqiiqo ahayn oo been abuur ah oo ay wadaan shakhsiyaad iyo  warbaahinta qaar ka mid ah.

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa kaloo uu go’aan ku dhac leh ku sifeeyay heshiiska Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay saldhigga Millatari kaga kireysay dawladda imaaraadka carabta; “Arrintan saldhigga Millatari ee  Imaaraadku ka hirgalinayso Madaarka Berbera, waa heshiis soo gabogaboobay oo dawladaha Somaliland iyo  Imaaraadka carabtu kala saxeexdeen. Runtii  wakhti xaadirkan  dawlad kasta oo mandaqadda ku taalla go’aannada siyaasiga ah, kuwa dhaqaale iyo kuwa diblomaasiyadeed ee ay gaadhayso, waxa saldhig u ah kolba siday uga war hayso xaaladaha iyo wacyiga mandaqadda ka jira. Sidaas darteed, xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo, go’aan ku-dhac leh ayay la timid tallaabada dawladda Imaaraadka carabta laga kireeyo saldhig millatari ee ay ku yeelanayso magaalada Berbera,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyadda oo xalay u waramay Bulsho Tv.

Eng. Xuseen Deyr, oo la weydiiyay sida uu u arko dadka ku eedeeya  inuu awoodo dheeraad ah adeegsanayo wakiilka Somaliland u fadhiya Isku-tagga imaaraadka carabta, waxa uu  kaga jawaabay; “Anigu ma qabo in Beeshe Cawil (Wakiilka Imaaraadka carabta) in shacbiga Somaliland ay eedeynayaan, Baashe waxa eedeeya shakhsiyaad iyo saxaafada qaarkood eedahooduna  waa qaar aan sal iyo raadtoona lahayn. Baashe, waxa uu ka tirsan yahay qoyska madaxtooyada, waana nin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddan-ba bilow illaa dhammaad goob joog u ahaa, Baashe ka hor intii aan laga dhigin Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka dhaleecaynta xilligaas socotay iyo ta maanta socotaa waa isku mid uun, waxa lagu eedeynayaana waa wax aan sal iyo raadtoona lahayn, waa shakhsi weerar iyo ku xadgudub qofnimadiisa laga gelayo.”

Afhayeenku wuxuu tilmaamay kartida waxqabad ee danjire Baashe Cawil, waxaannu yidhi; “Baashe Cawil Cumar, Madaxweynaha ayaa soddog u ah, taasi liisan (ruqsad) uma siinayso dadka in la dhaleeceeyo. Waa muwaadin xaq u leh inuu sida dadka kaleba u nool yihiin u noolaado, marka la eego maalintii loo magacaabay safiirka Imaaraadka carabta, xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadku halkii uu joogay waa la ogaa, aad iyo aad buu u dedaalay oo uu uga shaqeeyay in dawladda isku-tagga imaaraadka oo ka mid ah dawladaha ugu horumarsan Khaliijku, ay u aragtay Somaliland inay  la qabsan karto masaalix  dhaqaale, istaraatajiyadeed iyo nabadgelyaba.”

Comments are closed