Kaalinta Difaacayaasha Xukuumadda,Dareenka Kuwa Ka Soo Horjeeda & SilSilad Suugaanleyda Miimley Iyo Maansooyinka Maan-Qaba Iyo Maro Boob AKHRI
Hargaysa 24. March 2017 (SDN/QJ):- Maansada MAAN-QABA, waxay dabo socotaa maansooyinkii ka horreeyay ee ku socday xaraf raaca M, lana baxay MIIMLEY sida Mudduci, Mudacalay, Marag iyo Maxkamada & Kuwa Kale ee soo Baxay.
Waxay diirada saaraysaa xaalada maanta ee dabcan ay ka curatay silsiladda MIIMLEY iyo xaalada dhabta ah ee Somaliland hortaala oo ah bisleynta qarannimada, isku haynta ummada, abuurida midnimo baaxad leh iyo u hawl galida lingax dawladnimo oo dalnimada sii xoojiya.
Maansada Maan=Qaba Waxaa Hal abuuray Abwaan Jamaal A.Muuse waxay tidhi:
- Inkastoonan Miigane.
- Maandhaw Abwaanada.
- Magacsamida guud iyo.
- Maamuuska kore iyo.
- Farriintooda mooyee.
- Mid-na hoos u garanayn.
- Misna aragtidaydiyo.
- sal-balaadha maansada.
- Gabay meeris dheeriyo.
- Tixo dihin an mariyoo.
- Murti iyo abbaar sugan.
- Galka maaxda suugaan.
- Mahadhada is dabo taal.
- Maan-qaba an tiriyoo.
- Ma huraanka taariikh.
- Maalmihii hore tagay.
- Milicsiga warkii shalay.
- Maguurtow ma dhaaftada.
- Ma minguurinaayoo.
- Mawduuca eegiyo.
- Kuwa meel fog yaalaba.
- Malko lagu xalilo iyo.
- Hilin maw uga dhiganaa?.
- Hadda lagu miciinsado.
- Afartaa muswayn iyo.
- Mayay iyo mahiigaan.
- Miraalow araartii….
- Mar kalena waxaan idhi.
- Runta lama masuugee.
- Waa su’aal Malaystow.
- Ma taqaan Muddiciyow.
- Marag yada bar kuma taal?.
- Maal-qabeenka caydha ah?.
- Mana-sheegashada badan.
- Ka maldaha ujeedada.
- Ka miskiinka sheegtee.
- Wiilyahow munaafaqa.
- Muslim gaal ka daran iyo.
- Darbijiif mulkiile ah.
- Miishaar belaayiyo.
- Misna waa afmiishaar.
- Halabuur mar weeyaan.
- Marna waa siyaasiga.
- Waa macalin xeerdheer.
- Kolna waa markhaatiga.
- Milix lagu addeegsado….
- Garsoorow ma haysaa?.
- Miyir sidi waxay tidhi.
- Mudacalay ha joogtee.
- Maxkamadu maxay tahay?.
- Ma mid aan la maqaloo.
- Wax muquuninaysoo.
- Muruq lagu hagaa baa?.
- Ma maraq bilaash baa?.
- Ma mid meel xun degenoo.
- Taladeedu murugtaa?.
- Hees lagu mirqaamiyo.
- Ma maqaabyo qaran baa?.
- Waa maxay gubtaanyaddu?.
- Murdisadu ma soor baa?.
- Ma sir iyo macaash baa?.
- Ma sabiib la miistaa?.
- Sheekadu muraadiyo.
- Marba meel ha joogtiyo.
- Ma qof iyo dantii baa?…..
- Maxkamadu ma taasaa?.
- Ma ta xalay I tidhi baa?.
- Dawlad maamulkeediyo.
- Moorada dadkeediyo.
- Muuqaal dalnimo iyo.
- Madaxwayne taliyiyo.
- Madaxtooyo qaran tidhi.
- Waa guri haddeer madhan?.
- Ma makhaayad baad tahay?.
- Magafuhu ka hawl galo.
- Mise goof gamaashiyay?.
- Ayay milaygan jiiftaa?.
- Waadigan mixaadhiyo.
- Madiil soo afaystee.
- Maddanaha dab galiyee.
- Middi raadsanaayee.
- Mililaha dhayaayee.
- Sayid Maxamed bari hore.
- Musuquu asteeyiyo.
- Iyo meheradeennii.
- Middaan caanka ku ahayn.
- Maxaa maanta soo faqay.
- Ma muraad kalaa jira?….
- Gees kalena mahadow.
- Mus ku ooday xukunkee.
- Ma adaa Mucaadow.
- Maareyn heshiisyada.
- Madaxwayne soo galay.
- Mar haday sidaa tahay.
- Madaxdii mijay noqon.
- Miyaan kaa asmacaya?.
- Maankaagu suu yahay?.
- Nin Maroodi fuuliyo.
- Maandeeq nin maalaa.
- Igadh maal ma moodee.
- Hadaad musuqa wiilow.
- Musuqmaasuq diid tahay?.
- Hoy mooshin quutiyo.
- Ina talo maroor iyo.
- Xildhibaan marooriye.
- Minaaqow guddoomiye.
- Ka xukuma maxaad tidhi.
- Ma hogaamiyaa Mudac?.
- Markan ummada hagi kara.
- Ma og tahay Sugaaloow.
- Marsadaa Berbera iyo.
- Milatari degsiimada.
- Ka mugwayn warkayguye.
- Miimleydu sheekhoow.
- Maandheer haday tahay.
- Haday muxibo badan tahay.
- Maxay qaranka tuurta leh?.
- Madaxnimo sinaanliyo.
- Midnimada gun iyo baar.
- Maskax maa la maaloo.
- Meeraha gabaabsiyay.
- Een meelna weli dagin.
- Muddo tiro labaatana.
- Mar kalena lix lagu daray.
- Tirsigii ma yeedhaan.
- Ee moodhadhkii iyo.
- Miisaankii waynaa.
- Milgihiisu dheeliyay.
- Ee mudane saaxiib.
- Xilka mudan dhammaantii.
- Meertada la diidee.
- Magdhaw laysku siiyee.
- Muquunada cid loo xidhay.
- Ee muwaadinimadii.
- Ninba meeli xoqan tahay.
- May gacan u fidisoo.
- Arrintaa la meel dhigo…
- Bal u fiirso maandhaye.
- Musuq waxa ka sii daran.
- Daabka iyo marashidu.
- Meel bay u sugan tahay.
- Ma arkaan qaloocoo.
- Midna lagama jari karo.
- Ina Maxamed kii caban.
- Iska heese lagu maag.
- Gidi way mashxaradaan.
- Sakatiga ma daayaan.
- Anigaa malaaq u ah.
- Xurmadiina may baran?.
- Ma dantii maraataa?…..
- Gabagabada maan-qaba.
- Margi weeye hadalkuye.
- Soo jiiday miiciga.
- Malafsigu sun weeyaan.
- Meehanawgu waa ceeb.
- Musuq baaha ma ogoli.
- Marin leexsan ma ogoli.
- Kol is muuji ma ogoli.
- Intan iyo in kale maya.
- In kaleeto ma ogoli.
- Aragtidu mid weeyee.
- Weheshigu ma hawl yara.
- Maansadu inoo furan.
Curintii: Jamal A. Muse
Taariikhda: 22/03/2017
Geesta Kale Waxaynu Soo Qaadan Doonaa Maansada Magaceedu Yahay Maro Boob oo uu Curiyey Abwaan Maxamed Cumar Waxaanu Maansadan kaga qayb galay Silsilada Miimley ee Ka Curatay Hargaysa Isagana Talowday Qaaradaha Adduunka.
Maansada Maro Boob Waxay Tidhi
Inkastoo mashxaradiyo
Sacabkii mudici helay
Uu gaadhay meel dheer
Inkastoo midiyo dhawr
Hablihii miskaha riday
Botor muujiyeenooy
Runta macalinkeedii
U-mareen ciyaartii
Inkastoo mar iyo laba
Marageeda kii furay
Shaal miidhan lagu daday
Macawiiso loo xidhay
Inkastoonu madi iyo
Madar wali ahayn kali
Kolay madhax ma waayoo
Anna maaxinteedii
Runtaan muusinaayee
Miigane war iga hoo
Ku sinaan mudada qiran
Inta aan la magac dhabin
Taariikhdii lasoo maray
Kolay male ma waydee
Qarni tagay mid laga yimi
Sheeko aan ahayn maad
Oo aan ka soo midhay
Waxa igu maqaala ah
Inuu Bari magaaliyo
Balad yimi nin muuqiyo
Milgihii islaamkuba
Maashee ka hirayaan
Musxafkiina midigtiyo
Mataanaha ku haystoo
Macnihiyo tafsiirkaba
Aan meel qaloocdiyo
Xaraf uu maroorshiyo
Mad madaw yar galinayn
Muuminbuu u eegyahay
Gunta se waa mas hoosiyo
Halaq aan sun mooyee
Manfac iyo lahayn talo
Madfac weeye kaga yimi
Meel aan lagaranayn
Waa saban musheekhdiyo
Wadaadadu midh iyo laba
Halkay miyi ka joogaan
Kolal maalmo loo dhoxo
Maqaam aw-ka loo xigo
Looma miyin wuxuu cuno
Marti qaadna loo fidi
Miyir looga waransii
Kuye daaci magacloo
Maka joogayaan ahay
Umiciin islaamkoo
Muuminiinta gaadhsii
Cilmibaan la miignahay
Casharuu macneeyaa
Diin uu mulaaqoo
Mad’habkii kufaartiyo
Shirki midhan lagu ladhay
Ayuu nabi mukhtaariyo
Hadba salli ku mujuugaa
Xamdiguu ku moosaa
Si aan maraqa loo garan
Rabiyoow macbuudoow
Adigaan wax moogayn
Oo maalig boqoree
Haduu no miciinyahay
Marxabaanu leenahay
Haduu uurka maranayana
Maganbaa la wada yidhi
Wuxu maalmo joogaba
Durba mawlacbuu dagay
Gibgbaa meeshi lagu yidhi
Inkastoo makaawiga
Milicdani ku kulushay
Nin wax maagan weeyoo
Madxibaaba loo naqay
Waxa laysla meel dhigay
Mahdigii la sugayayiyo
Mar la arag inuu yahay
Se ma noqone laga yaab
Wuxu maalmo jooguu
Murjin soofa mariyaba
Masjidbaaba loo dhisay
Waxa laysla meel dhigay
Inuu diin ka mariyoo
Macluumaadna laga helo
Isna wuu is mahadshoo
Durba wuu is moodaye
Wax se maanka ugu jirin
Oonu meesha soo dhigan
Maamuuskan filan waa
Mad’habkiisibuu furay
Mawjado nuxuusuu
Hadba meel kasoo fadhay
Bulshaduu ku maqanyahay
Badi way macaantoo
Inbaa malab ka dhawrtee
In ka maarantaa badan
Qaar ka maarmaybaa jira
Beeshan uu ku maqanyahay
Cilmi way ka madhantoo
Machad lama aqoonine
Dad se caamo kama aha
Maankiyo garaadkoo
Maskaxday ka nooshee
Rag ka maagaybaa jiray
Wuxu waayo maashee
Maamuus ku jooguu
Ku macaashe xaaraan
Oo mamay ahaadaba
Maalkii agoontiyo
Moodkii adoomuhu
Sakadii u miidheen
Wuxu kala muushtariyaba
Isagoon maqaamkii
Mudo badanba soo wadin
Ayuu mukhawilnimo ba’an
Umuhdoo is Kari waa
Meelbaa bugtee garo
Mukurbuu is kala guray
Waa maanka laga qaad
Maandooriyuu helay
Mid yarbaa la joogaye
Muu se dhaadin wiilkii
Kiiyoo kala maroorsamay
Kolkii laydhi maandhoow
Ma qarsoonna hawshuye
Xalay marin habawgii
Madasheeda ka cadee
Kuye xalay mirtiibaan
Riyo maxamed nuuriyo
Mustafihii ku booqdoo
Waxan tagay madiinee
Miyaydaan ogsoonayn
Inaan nabigii soo maray !
Maangaabka beeshiyo
Nin muraadle mooyee
Ruux kaloo xis maamulo
Maankiisa gali waa
Mayacmayacda xaajiga
mulxid jiitatay weeyee
Is makeekintiisii
Kolkii meeris laga helay
Xaqu waa ma dhuuntoo
Waa malaga tuugtoo
Waa mawdka beentiyo
Middidii dalaalkoo
Mawlaa khashifayee
maalin kaadi qabataa
Mabdi’iisu burayoo
Mahwi uu dhex jooguu
Maryihii ku faytoo
Wuxu meesha soo dhigay
Muftigii ayaantaa
Minnaan balagba laga jarin!
Kiiyon waliba sii maqan
Ayaa waa midh yaablehe
Baara muuqataa tidhi
Magicii ba’iiyoow
Adna muuqii ka dhimay
Anna laygu kaa malag
Afartaa dhe miiddii
Dhacdadii murtida hore
Afar kalena Waa u marag
Maahmaahdii aan dhigay
Bulahadayda mudanta ah
Maalooti damac galay
Mooskeeda ku idlaa
Ka makhruuqa qayrkeed
Ma taqaano waligeed
Ka mashquulka ceebahu
Milgaheeda fara badan
Massafkeeda waa u unug
Hayska maahsanaatoo
Inta hore ha murantee
Hadii mililku uu gubo
Mareegaalayaashiyo
Mara boobta waw halis
Maabkeeda dhaqankiyo
Hiddeheedii miidhnaa
Intuu gabaygu maagiyo
Waw markhaati duniduye
Iyagoo ah meermeer
Mahlakaysan gabigood
Waxay mood lahaayeen
Inta miino loo dhigay
Dadkan meeqa lagu dilay
Hadaan macal cun waynaha
Maqaariib san laga qaban
Hadii aan mujurucyada
Dhiiga maxasta lagu jaqo
Miishaaro lagu jarin
Dal ka jaba mataanaha
Misigta iyo dhabarkiyo
Iyadoo is madhisoo
Is miisaan tirtaa iman
Mana foga misaalkuye
Shalay kii lasoo maray
Ee maqluubka loo rogay
Saw kuwii ma’aan ihi
Musuqmaasuq diidnoo
Namuquunin mayside
Yidhi maya afwaynoow
Miyaan qaadan karayaa
Tukaloo la mida tii
Afartaa dhe miidii
Dhacdadii murtida hore
Afar kalena maansada
Macaan jecesha keentaay
Adiguna war iga maqal
Alla magane maxamuud
Waxa meel ka dhaca wayn
Xoolaha miskiinkiyo
Danlaydii ka madhantahay
Macaluusha jiiftaa
Tuugtay ku maqanyiin
Hadii loo mashxaradoo
Lagu sheego murug keen
Xalaal mawle dhiibaa
Maashaa allaa iyo
Mahad lagu gudoomaa
Wax ninkii markaa falay
Damiirkiisa mudi jiray
Muruguna ku dhalin jiray
Miyaa lagu xamdiyayaa
Alla magane maxamuud
Mafad maaha boobkuye
Dhaca maadha loo garan
manfac eebe bixiyiyo
Hayska moodin deeqoo
Macna yari adoo ule
Rabbi meel hakaga dhicin
Adiguna mudacaloow
Miyay ka qarsoontahay
Daacad inuu maxbuusyahay
Makhsin hoosta kaga xidhan
Sida guri makhaayada
Qarankiina mool yahay
Carwo miidhan laga dhigay
Oo qabiil masuul yahay
Nin wallo murmaayoo
Maslaxadi diratoow
Majaroorkan kalidaa
Hadaad mooday kuu da’ay
In makhluuqu wada helo
La masawday habartii
Maal wararac laga qoray,
Adna muhandiskiiyoow
Kay malaxdu jiiftaa
Ha matago xumaantee
Xaqiiqada u mariyoo
Marlabaad ku soo noqo
Xasan dacarta muudsii!