|

Hooyo ka soo barakacday abaaraha oo Jid Muqdisho ku yaalla ku umushay 3 mataano ah (Daawo Sawirro)

Muqdisho 23. March 2017 (SDN/QJ):- Hooyo Mako Xuseen Muqtaar oo ka mid ah dadka ka soo barakacay abaaraha ka jira gobolada dalka ayaa habeen hore ku umushay iyadoo socota wado ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Mako ayaa markii ay wadada ku dhashay waxaa ku dhacay dhiig bax xilli ay markii horeba la ildarneyd xaalado nafaqo daro oo ay ka dhaxashay abaaraha ka jiray degaanada ay ka timid, iyadoo soo martay safar dheer oo qaxar badan.

Maamulka degmada Kaxda iyo dadka degaanka oo ka naxay xaalada ay ku sugan tahay hooyadan ayaa isbitaal halkaas ku yaalla ula cararay halkaasoo iminka lagula tacaalayo xaaladeeda.

Hooyaddan ayaa maalintii labaad ku jirta xaalad miyir beel ah, iyadoo dhaqaatiirta isbitaalku sheegeen iney dhiig ku shubeen ayna rajaynayaan in ogaalkeedu soo laabto.

Saddexda mataanaha ah ee ay dhashay Mako oo kala ahaa labo wiil iyo gabar ayaa waxaa la sheegay in labo ka mid ah ay markiiba dhinteen, iyadoo maamulka degmada Kaxda uu ugu baaqay shacabka Soomaliyed iney gargaar u fidiyaan hooyadan Soomaliyed oo aysan la socon wax ehelo ah.

Comments are closed