|

Xoolihii Somaliland Oo 60% Ku Baxay Abaarta Iyo Qorshe Lagu Samato-bixinayo Inta Hadhay Oo Madaxweynaha Loo Gudbiyey

Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay sheegtay in Boqolkiiba Lixdan ka mid ah Xoolihii Somaliland ku baxeen Abaarta Adag ee Muddada Dheer ka taagan Gobollada bariga Somaliland.

Xukuumaddu waxay sheegtay in Xilligan oo Roobabka Gu’gu ka curteen deegaanno Dalka ka mid ah in Gurmad ballaadhan la galo sidii loo daaweyn lahaa Boqolkiiba Afartanka hadhay.

Sidaana waxa Sheegay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac oo Shalay Saxaafadda ugu warramay Magaalada Hargeysa, waxaanu isagoo Arrimahaa faahfaahinaya yidhi “Wasaarad ahaan waxaanu Tiro-koob ku haynaa in Xoolihii Somaliland ay Boqolkiiba Lixdan baxeen. Si kale markaan u dhigo Gobollada qaar Xoolihii waxa ka baxay 20%, Gobollada qaarna 80%, markaa celcelis ahaan Boqolkiiba Lixdan way baxeen Xoolihii, waxaana u badan Idaha, laakiin Geela iyo Riyaha wuxuun baynu Siidh ka gaadhaynaa haddii ILAAHAY Raxmaadkiisa inoo shubo, Waayo waxa innagu dhacday Masiibo Qaran (Abaar).”

Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Wasaaradda Xannaanada Xooluhu dedaashay, laakiin ay Laamaha kale ee Dawladda uga baahan yihiin inay kala qayb-qaataan Gurmad ballaadhan oo lagu daweynayo Xoolaha Abaarta ka hadhay, “Annagu Wasaarad ahaan wixii aanu karaynay waanu samaynay, oo Shalay oo u dambaysay (Doraad) 27 Kooxood oo Caafimaadka Xoolaha ayaanu Gobollada u kala dirnay, intii Abaartu jirtayna mar kamay bixin (dhakhaatiirta Xooluhu).” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay Madaxweynaha iyo Laamaha Dawladda codsi u gudbiyeen “Waxaanu codsi u gudbinay Madaxweynaha iyo Xukuumadda, kaasi oo aanu leenahay Gurmad kale oo Xoolaha hala gelo, iyadoo la gelinayo konton ama Afartan Gaadiidka Dawladda ah oo aanu annagu Dawooyinkii iyo Dhakhaatiirtii aanu u hayno oo Xoolaha Roobka ha lagu dhex daweeyo…”

Comments are closed