|

‘’Waxa Jirta Naas-Nuujin Gaar Ah Oo Dhaqaalihii Iyo Badhaadhihii Dalka Ay Xukumadu Cid Gaar Ah Ku Naas-Nuujinayso’’ Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani DAAWO

Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed Xog-hayaha Maaliyadda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI horena u ahaa wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta oo maanta warfidiyeenada kula hadley gudaha magaalada Hargeysa ayaa dhaliilo xoogan usoo jeediyey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo isaga oo ku dhaliilay heshiisyadii u danbeeye ee ay la gashay wadanka Imaaraadka Carabta iyo qaabka loo maamuley.

Md.Cabdirisaaq Khaliif Axmed Xog-hayaha Maaliyadda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa soo bandhigey in heshiiskii saldhigga Millatari ay saxeexdey dawladda Somaliya,taasi oo uu hore uga dhawaajiyey wasiirka madaxtooyadu Somaliland,in heshiiska ay wada saxeexeen dawladda hore ee Somaliya,isaga oo geesta kalene ugu baaqey xukuumadda cusub ee Soomaliya in ay heshiiskaasi ixtiraamto.

Comments are closed