Dawlada Somalia Iyo Kenya oo Heshiis Wada Jir ah ka Gaadhay Arrimo Muhiim ah
Nairobi 24.March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in laba isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.
Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.
“Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood”, ayuu yiri Kenyatta.
Dowladda Kenya ayaa horay u ballan qaaday inay xayiraada duulimaadyada tooska ah qaadi doonto wixii ka billowdo bishii Desember ee sanadkii hore, balse taa ma dhicin, mana jirin wax sharraxaad ah oo laga bixiyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aankaasi isagoo sheegay in rajeynayo inuu dhaqangalo laba isbuuc ka dib.
Labada madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyaan in dib loo fura xadka labada dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007dii sababa dhinaca ammaanka ah.
Muddo 30 mlamaood gudahood ayaa dib loo furi doonaa marinada xadka labada dal ee Beled-xaawo, Mandhera iyo Liboy, Dhoobley.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay tahay dal deris la ah Soomaaliya, isla markaana ay ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee dalalka deriska ku leedahay.
Waxaa uu sheegay in dowladiisu ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda Kenya, isagoo xusay in kenya ay muddo labaatan sanno ka badan ay marti gelineysay qaxootiga Soomaaliyeed, waxaa uu tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay inay ka wada shaqeeyaan waxyaabaha caqabada ku ah, sida ammaanka.
Qodobada labada madaxweyne ku heshiyeen waxay kala yihiin:-
1- In la joojiyo diyaaradaha rakaabka Muqdisho ka baxa marriinkooda Wajeer, ayna toos Nairobi u tagaan.
2-Kenya inay Soomaaliya dalkeeda iyo kharashkeeda ugu tababbarto 200 kalkaaliye caafimaad, 200 bare iyo 100 shaqaalaha maamulka.
3-Dublomaasiinta iyo shaqaalaha haysta baasabboorka adeegga (service) ee labada dal in ay fiiso la’aan u kala gooshi karaan.
4-Xuduudda labada dal in muddo 30 cisho gudeheed ah laba meelood laga furo: Beled-Xaawo/Mandera iyo Dhoobley/Libooye.
5-Xerooyinka Qaxootiga Dhadhaab in Soomaalida ku jirta looga furo dugsiyo farsamada gacanta lagu barto.