|

Xiise Hore Leh Oo Ku Soo Kordhay Kiiska Macallin Madaxweyne Siilaanyo La Magaca Noqday

Hargaysa 24.March 2017 (SDN/QJ):- Waxa meel xaasaasi maraya, isla markaana xiiso cusub yeeshay kiiska nin macallin ah oo maalintii Afaraad xorriyaddiisa ku la’ magaciisa oo lamid noqday midka Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kaas oo gacanta  ciidamada amaanku xabsiga u taxaabeen.

 

Kiiskan oo dhegaha bulshada si weyn ugu dhex jira, ayaa waxa markii ugu horraysay si toos ah uga hadlay taliska guud ee ciidamada Booliska Somaliland iyo weliba maamulka dugsigii uu baraha ka ahaa ee Noradiin, kuwaas oo aragtiyo iska soo horjeeda ka bixiyey xadhigiisa.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo arrintan si kooban uga hadlay, ayaa sheegay inuu ninkani daqiiqado ka hor intii aanay ciidamada ammaanku soo xidhin beddelay magacii afraad ee lagu haystay oo Siilaanyo ahaa, kaas oo uu beddelay Xaddi, waxana uu xusay inuu magac-beddelkaas kediska ahi shaki xooggan ku abuuray ciidamada, “Ninkani inuu dembi galay waxa caddaynaysa markii ay Boolisku baadhista bilaabeen magacii ahaa Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isla markiiba wuu beddelay oo wuxu ku beddelay Xaddi, markaa markii uu ninkaasi Siilaanyo ahaa imikana uu Xaddi sheegtay waxan filayaa inay taasi bulshada qancinayso, waxana lagu eedeeyey sheegasho magac aanu lahayn.” ayuu yidhi taliye Fadal.

 

Geesta kale maamulaha guud ee Dugsiyada Nuradiin Mahad Ibraahim Maxamed oo kiiska Ninkan macalinka ah ka hadlay, waxa uu yidhi “Madaxda waxan leeyahay kalgacalka madaxweynaha ha u rogina xumaan, markii macalinka magaciisii  la arkayna waxa ay ciidamadii yidhaahdeen madaxweynihii baa lacagta soo diraye waa maxay magacani.” ayuu yidhi Maamulaha Dugsiyada Nuradiin

 

Waa markii ugu horraysay taariikhda Somaliland ee uu muwaadin xorriyadiisa ku waayo inuu magac la wadaagay Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana aan lagu eedaynin wax fal dembiyeed ah, marka laga tago inuu magacaas waqti kooban gudihiis is-beddel ku sameeyey.

Comments are closed