|

Madaxweynaha Zambia Oo Isaga Oo Jilba Jooga Khudbad Ka Dhagaystay Wasiirkiisa Xanaanada Xoolaha

Zambia 24.March 2017 (SDN/QJ):- Warbaahinta caalamka iyo baraha ay bulshadu ku kulanto waxa qabsaday muuqaalka sawir laga soo qaaday wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluunka ee dalka Zambia Mr. Michael Katambo, kaas oo la arkay isaga oo jilba jooga ugu waramaya madaxweynaha wadankaasi Edgar Lungu.

Arrintan ayaa noqotay mid aad looga hadal Hayo Warbaahinta qaaradda Afrika isla markaana lagu falanqaynayo.

 

Wasiirka ciyaaraha ee dalka Koonfur Afrika Fikile Mbalula ayaa bogga uu ku leeyahay Twitterka Soo dhigay qoraal kooban oo uu arrintan kaga hadlayo waxaanu yidhi

 

“Madaxweynaha dalka Zambia ayaa warbixin ka dhagaysanaya wasiirkiisii xanaanada xoolaha isaga oo aan kursi ku fadhiyin, laakiin jilba jooga” ayuu yidhi

 

Dadka falanqaynaya arrintan ayaa ka eegaya dhinacyo badan, waxaanay qaarkood qabaan in ay tahay dhaqan ay isku tix geliyaan madaxda dalkaasi, halka kuwo kalena ay ka soo horjeedaan isla markaana ku tilmaamayaan isdulayn iyo waliba muujinta sida ay dadku dhinaca xilalka ugu kala sareeyaan.

Comments are closed