|

Puntland oo laga taageeray Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Kheyre

Muqdisho 23. March 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntland waxaa lagu qabtay kulan balaaran lagu taageerayay Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Soomaaliya uu dhawaan soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka lagu taageeray golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro katirsan maamulka Puntland, Xildhibaano, Maamulka gobolka iyo qaar kamid ah waxgaradka Puntland kuwooda ugu caansan.

Waxgaradkii kulanka ku sugnaa kana hadlay waxaa kamid ahaa Islaam Ciise Islaam Maxamed Islaam Muuse iyo Suldaan Siciid Maxamed Guraase, waxaana waxgaradku soo dhaweeyeen golaha Wasiirada cusub iyagoona ugu baaqay Baarlamaanka in ay meel mariyaan.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay golaha Wasiirada cusub uu soo magacaabay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxa uuna Baarlamaanka ugu baaqeen in codka kalsoonida ay siiyaan xukuumada cusub.

Shacabka Soomaaliyeed meel kadsto ay joogaan ayaa si weyn waxa ay usoo dhaweeyeen Xukuumada uu soo dhisay Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana inta badan Wasiirada xukuumada cusub la sheegay in ay yihiin kuwa lagu soo xulay kartio iyo aqoon .

Comments are closed