“Wasiir kasta waa inuu ogaalaadaa ama ay ogolaataa inuu buuxiyo shax la Xidhiidhta caddeynta hantidiisa guurtada iyo midda ma guurtada ah taasoo laga bilaabi doono Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Federaalka Somalia’’ Amaro Adag oo Raysal Wasaaraha Somalia Ku Sarjaray Xukuumadiisa
Muqdisho 22. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Khudbad uu ka Jeediyay Madal loo Sameeyay Shaacinta Golihiisa Wasiiradda ee uu soo Dhisay Waxa uu Cadeeyay in tirakoob lagu sameyn doono hantida ay leeyihiin wasiirada cusub.
Kheyre ayaa sheegay in wasiir walba uu buuxin doono ka hor inta aan xilka loo dhaarin foom uu ku qorayo hantidiisa guurta iyo mida ma guurtada ah, isagoo xusay in xukuumadan ay ahaan doonto midii isla xisaabtanka, isla xisaabtankana uu ka bilaaban doono isaga iyo madaxweyne Farmaajo.
“Wasiir kasta waa inuu ogaalaadaa ama ay ogolaataa inuu buuxiyo shax la xidhiidhta caddeynta hantidiisa guurtada iyo midda ma guurtada ah ka dib marka loo magacaabo xilka, taasoo laga bilaabi doono Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha si loo ogaado xoolaha aan leenahay maanta iyo haddii loo baahdo mustaqbalka markaan xilka ka tagno” ayuu yiri raisul wasaaraha.
Xasan Kheyre ayaa intaa ku daray in wasiir kasta uu sidoo kale saxiixi doono qoraal ku wajahan mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradiisa, waxaa kaloo uu saxiixi doonaa ayuu yidhi waajibaadka qarinta xogta iyo sirta Qaranka oo haddii ay cadaato inay bixiyeen ay kalifi doonto iney ku waayaan shaqadooda, waxaa laga soo saxiixi doonaa ayuu yidhi wax la yidhaahdo habraaca ansixinta sifada shaqo oo ah qaab cusub oo dalkaan looga shaqeyn doono.
“Waxaa la eegi doonaa oo ay saxiixi doonaan nidaam isla xisaabtan shaqo oo cusub oo ah qaabka ay u shaqeeyaan, waxa laga rabo iney fuliyaan, bil walbana lagula xisaabtami doono, qofkii fulin waayana loo sheegi doono inuu waajibkiisa kasoo bixi waayay” ayuu yidhi raisul wasaaraha.
Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay raisul wasaaraha dalka sababaha uu golihiisa wasiirada ugu soo daray Wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka oo ku cusub wasaaradaha dalka.
“Maadaama dalka uu marayo xaalad aad u adag oo abaaro ba’an ay jiraan, kana jiraan qeybo kamid ah dalka oo dadkii iyo duunyadiiba ay ku dhammaanayaan islamarkaasna aan horay u balanqaadey inaan arrimaha abaaraha xallintooda mudnaan gaar ah siinayo, waxaan ku faraxsannahay inaan idiin la wadaagno inaan sameynno wasaarad u gaar ah si xal waara looga helo arrimahaasi, wasaaradaasi oo aan ugu magac darnay wasaaradda gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka” ayuu yiri raisul wasaaraha.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday raisul wasaaraha ineysan u soo hambalyeynin balse ay u soo duceeyaan inuu ILAAHAY la garab galo waajibaadkooda.