|

Maareeyaha Xafiiska Mucaawinooyinka WFP ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Tilmaan ka Bixiyey Waxqabadka Xafiiskiisa ee Xiliga abaarta

Hargaysa 21. March 2017 (SDN/QJ):-  Qaar ka mida Odayaash gobolada Saaxil,Sanaag,Sool iyo Togdheer ayaa amaan u soo jeediyey Maareyaha mucawinoyinka ee WFP Mr Siciid Xasan C.laahi iyagoo Ku amaanay qaabka uu Xafiiskiisu uga qayb qaatay Gurmadka abaaraha.

Hadaba Maareeye Siciid Xasan C.laahi oo Xafiiskiisa Kula Hadlay Shabakada Qurbejoog ayaa Sheegay inay Mucaawimo kala duwan gaadhsiiyeen ilaa 41 Kun oo Qoys isla markaana ay hada ku Hawlan Yihiin Sidii ay Kaalmo kale u Gaadhsiin lahaayeen dad Tiradoodu ka badan tahay 65 Kun oo Qoys.

Maareeyahani Waxa uu xusay inay Raashinka ay qaybinayaan ay ka soo iibiyaan Ganacsadatada Gudaha si aanu dhaqaaluhu dalka dibadiisa uga bixin isagoo intaas ku daray inay hawlgalkan barbar wadaan Quudinta Caruurta Fuuq baxday ee ku nool Deegaanada abaartu ku xoogan tahay.

Siciid Xasan C.laahi  Wuxuu Xogwarankiisan ku sheegay oo Kale in Xafiiskiiisu ka fac weyn yahay Guddida abaaraha ee heer qaran  isagoo intaas ku daray in Marka Roobku da’o ay Samayn doonaan dib u dejin loo sameeyo dadka ku Caydhoobay Xaalada abaareed ee dalka ka Taagan.

Comments are closed