Dadka Ku Dhawaacmay Doontii Yemen lagu Duqeeyey oo ka Warramay Xaaladdooda iyo Siday Wax ugu dheceen
Yemen 22. March 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka tirsan Dadka nolol ahaan ka badbaaday, balse ku dhaawacmay Duqayntii loo geystay Doon Qaxoonti Soomaali ahi saarnaayeen oo ka baxayey Yemen Jimcihii oo ay bishani ahayd 17, ayaa Warbaahinta uga warramay waxay xasuustaan sidii wax u dhaceen iyo dhibaatada iyaga laftooda soo gaadhay.
Xubno la waraystay oo ka mid ah Wiilasha iyo Gabdhaha ku dhaawacmay Duqayntaas Jimcihii loo geystay Doon ay saarnaayeen Dad Soomaali ah oo ka qaxayey Yemen, isla markaana u socday dalka Suudaan, taas oo Gantaal Diyaaradi soo gantay ku habsaday, isla markaana ay ku dhinteen 42 Ruux, halka ay Dad Siddeetan Qof ka badanina ku dhaawacmeen, waxay dawladda Soomaaliya ku eedaysay masuuliyadda weerarkaas Isbahaysiga Jaamacadda Carabta ka socda ee Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Jabhadda Xuutiyiinta ee Yemen ka dagaallama, sidoo kale Xuutiyiinta ayaa iyaguna ku eedeeyey Isbahaysiga, hase-ahaatee, Afhayeen Isbahaysiga u hadlay ayaa ku dooday inaanay Duqayntaas iyagu geysan.
Hase-yeeshee, Laba Gabdhood iyo Wiil iyaga oo Dhaawac ah, tabcaannimo badanina ka muuqato Muuqaal laga soo duubay xalay lagu baahiyey Bayjka Internet-ka ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa inkasta oo aan magacyadooda la baahin lagu waraystay Saddexdaas Qof oo jiifay Cusbitaal iyaga oo Dhaawac ah oo Lugaha iyo Gacmuhu go’an yihiin qaarkood, kuwaas oo Hadal ahaan u muuqday inay yihiin Dad ka tegay Somaliland.
Ugu horreyn mid ka mid ah Gabdhaha Dhaawaca ah oo ka warramaysa sida xaaladdooda hadda ay tahay, waxay tidhi; “Wax kaste oo nagu dhacay immika Illaahay baa mahad iska leh, oo dawladda Yemen iyo Hay’ada UNHCR si fiican bay noo soo dhaweeyeen, intii dhaawaca ahayd way soo qaadeen. Aniga Lugtu way I go’day oo waxa iga jaray Qoriga gacanta lagu qaado, oo Nin kale Lugta way gooysay, Nin kale gacan bay gooysay. Dad fara-badani meesha way ku dhinteen, wixii Meyd ahaana way gureen, wixii dhaawaca ahaana way soo gureen.”
Sidoo kale, Gabadh kale oo iyadana la waraystay waxay tidhi; “Maanta Dadkayagii dhamaan iyo Asxaabtayadii, dhammayd wax nooli ma jiro oo in yar baannu ku nool nahay. Ummaddii dhammayd ee nala rafiiqa ahayd ee nala socotay bartiibaa lagu laayay iyaga oo aan waxba galabsan. Hablaha dhintay waa illaa 17 Hablood.”
Wiil isaga oo Jiifa isagana la waraystay oo sheegay inuu Xaaskiisii iyo Asxaabtiisiiba ku waawayey Weerarkaas, waxa uu yidhi; “Halkaa dhibaato fara badan baa naga soo gaadhay oo Gabadhaydii baan ku waayay, Saaxiibbaday baan ku waayay oo si xun baa naloo garaacay, dhibaato aan la soo koobi karin baa nalagu sameeyay oo naxariis-darro ah.”
Dadkan ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee ka tirsan Dadka ku dhaawacmay Doontaas Jimcihii Duqaynta loogu geystay Xeebaha Yemen, ee ka warrama wixii dhacay iyo xaaladda ay hadda qabaan. Dhacdadan ayaa aad u saamaysay Soomaaliya iyo Somaliland, iyaga oo Qoysas badan oo Reer Somaliland ahi u fadhiyaan Tacsida Dadkoodii ku dhintay Doontaas Gantaalka lagu dhuftay, halka ay in badan oo kale ka werwersan yihiin waxay Dadkooda ku dhaawacmay Duqayntaas ee Yemen lagu hayaa ku dambayn doonaan.
Inkasta oo la sheegay Dhawr iyo toban Qof oo Somaliland u dhashay ku dhinteen Doontaas halka inta kale Soomaali ka tahay, isla markaana labaateenyo kale ku dhaawacmeen oo Somaliland ka tegay, haddana Xukuumadda Somaliland waxay sheegtay inaanay weli xog sugan ka haynin sida wax u dhaceen iyo Dadka Somaliland u dhashay ee wax ku noqday shilkaas dhimasho iyo dhaawac toona.