“Maalintii Goluhu Uu Ansixiyey Saldhigii Millitari Si Buu Ahaa,Bulshada Waxaan Kula Talinayaa Saddex Xaalo…”Xildhibaan Siciid C.Rooble DAAWO
Hargaysa 21. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ka mid ah saraakiisha sar-sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo a warfidiyeenada kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa si adag uga hadlay ansixintii ay sameeyeen golaha wakiilada Somaliland ee ku saabsanaa wada hadalada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.
Waxaana uu xildhibaan Siciid Cilmi Rooble sheegay in aanay jirin cid lagu aaminayo qaranimada Somaliland,isaga oo sidoo kalena carrabka ku dhuftay in haddii xaalku sidan kusii socdo ay Somaliland qaranimadeedu halis galayso.