Madaxweynihii Hore ee Maraykanka Obama Oo U Dalxiis Tagay Jaziirad Uu Habeenkii Ku Seexdo 12 Kun Oo Lacagta Yurub Ah
Paris 21. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxwaynihii hore ee Dalka Maraynkan Barack Obama ayaa waxa uu gaadhay Jaziirrada Tetyawra oo ku taalla Dalka Faransiiska.
Safarkan uu Obama ku tagay Tetyawra ayaa waxa la sheegay in aanay Qoyskiisu ku wehelinayan, balse uu kaligii tagay halkaasi ,Obama ayaa waxa uu muddo bil ah deganaan doona Hotel-ka The Brando ee ku yaal;a Jasiiraddaasi waxaana la xaqiijiyay in Obama uu degay Hotel-kaasi isla markaana hurdadiisa halkii habeen uu bixin doono lacag 12.2 Kun oo Euro.
Safarkan uu Obama ku joogo Jasiiradaasi ayaa waxa la sheegay in aanay jirin wax kulamo Siyaasi ah oo uu yeelanayo, balse uu halkaasi u tagay kaliya in uu ku soo nasto isla markaana uu Dalxiis ku soo qaato.