Telefoonkaaga Dabka Ha Gelin Gacmahaaga Oo Qoyan !
Hargaysa 21. March 2017 (SDN/QJ):- Wiil dhalinyar ahaa oo u dhashay Dalka Britain ayaa waxa uu geeriyooday kadib markii uu Telefoonkiisa Gacanta “Mobil-ka “ uu galiyay Dabka si uu u jaarjar gareeyo, maaddaama oo uu bilaa Dab ka ahaa.
Laakiin Khaladka uu sameeyay ee Geeridiisa sababtay ayaa lagu sheegay inuu isagoo Maydhanaya oo ku jira Qolka Maydhashada uu Telefoonka Dabka geliyey, laakiin waxa qabsaday isla Telefoonka oo soo gudbiyey Dabkii uu ku jiray.
Sidaana waxa lagu baahiyey shabakadda wararka ee BBC-da.
Ninkan oo Magaciisu ahaa Richard Paul isla-markaana da’diisu ahayd 32 jir, ayaa sababsaday Telefoonkiisa Gacanta ee uu isagoo Gacmihiisu qoyan yihiin Dabka geliyey.
Garsoore ka mid ah Garsooreyaasha Britian ayaa sheegay in ay dacwad u gudbin doonaan Shirakadda Apple ee soo saartay Telefoonkaasi, waxaanu sheegay in ay shirkadda uga digayaan in arrinta noocan oo kale ahi ay soo noqnoqto, maaddaama oo ay halis galinayso nolosha dadka adeegsada Telefoonnadooda.