|

Maxaa Ku Cusub Tiknoolajiyada Dunida? Waa Taksi Sida Diyaaradda u Duulaya Oo Lagaga Raysanayo Cidhiiidhiga Waddooyinka

London 21. March 2017 (SDN/QJ):- Iyada oo dunidu maalinba maalinta ka dambaysa ku sii tallaabsanayso horumar ballaadhan oo dhinaca wax soo saarka Tiknoolajiyada ah ayay soo baxayaan xogo cusub oo tibaaxaya in shirkad weyn oo ka mid ah shirkadaha soo saara diyaaraduhu ku guulaysatay tijaabada gaadhi yar oo Tagsi ah oo marna sida caadiga ah suuqyada loogu adeegsi tagayo dadka rakaabka ahna u adeegaya haddana marka suuqyada iyo waddooyinku saxmad iyo cidhiidhi noqdaan isagu awood u leh in uu sida diyaaradda u duulo inta baalal la soo baxo.

Shirkadda Caanka ah ee Air Bus ayaa daboolka ka qaaday in ay ku guulaysatay tijaabo ay in badan ku hawlanayd wakhtigana uu diyaar yahay adeegsiga Taksi yar oo duulaya mar kasta oo loo baahdo in uu duulo kaasi oo dadku kaga raysan karaan saxmadda waddooyinka waaweyn ee caasimadaha adduunka kaasi oo awood buuxda u leh in uu dadka ugu adeego socod iyo duulimaadba.

Sida uu ku warramayo af-hayeen u hadlay Shirkadda caanka ah ee diyaaradaha soo saarta ee Air Bus ayaa shaaciyey in gaadhigan yare e Taksiga ah oo ay ugu magac dareen Pop. Up uu diyaar u yahay in uu dadka ku daad gureeyo socod iyo duulimaad labadaba kaasi oo xajmigiisu kooban yahay balse dhawr qof qaadi kara. Afhayeenka shirkadda oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in qaab dhismeedka gaadhigan yar ee duulayaa ka kooban yahay muuqaal u eg sida kiniinka Kaabsoolka kaasi oo xagga hore ku leh laba kursi oo si wanaagsan loogu raaxaysan karo, xagga dambena hal kursi.

“Waxa uu ka kooban yahay saddex kursi darawalka iyo laba qof oo rakaab ah. Pop. Up waa Taksi qaab dhismeedkiisu u muuqaal eg yahay Kiniinka Kaabsoolka ah ee dadku qaataan kaasi oo leh xajmi kooban oo fudud raaxo badana leh. Gaadhigani sida gaadiidka caadiga ah ayuu leeyahay taayiro uu ku soconayo waddooyinka balse marka uu dareemo in jidka uu marayaa saxmad badan leeyahay waxa uu awood u leeyahay in uu duulo sida diyaaradda oo haddana ku dagi karo si dhib yar jid bannaan oo aan saxmad lahayn taasi oo qofka ka caawinaysa in uu si degdeg ah meeshii uu doonayay ku gaadho. Waxa uu u wanaagsan yahay magaalooyinka waaweyn ee adduunka ee gaadiidka faraha badani waddooyinka xidhaan ee saacadaha badan dadka ku qaata in ay ku gaadhaan goobaha ay rabaan ama u muraad yeeshaan” sidaa waxa yidhi Steve Rondis oo ka mid ah afhayeenada shirkadda Air Bus.

Gaadhigan yar ee Pop.Up ayaa la sheegay in ay hindisihiisa iyo soos aarkiisaba iska kaashadeen shirkadaha Italdesign oo laga leeyahay waddanka Talyaaniga iyo shirka caalamiga ah ee AIR BUS.

Comments are closed