|

Madaxweyne Afrikan ah oo magacaabay Wasiiradii ugu badnaa Taariikhda uu yeesho dal Afrikan ah

Ghana 21. March 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Dalka Ghana Nana Akufo-Addo ayaa magacaabay Wasiiradii ugu badnaa taariikhda uu yeesho dal kuyaala qaarada Afrika, Waxaana wasiiradan la magacaabay ay kor u dhaafayaan 100- Wasiir.

Madaxweyne Nana Akufo-Addo oo dhawaan ku dhawaaqay golihiisa Wasiirada ayaa magacaabay 110- Wasiir, waxa ayna ka kooban yihiin xukuumada cusub 56-Wasiir ,50 Wasiir kuxigeen iyo 4-Wasiiro dowlo .

 

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Ghan Telefishinka dalkiisa yuu kaga hadlay magacaabista wasiiradan tirada badan, waxa uuna tilmaamay in wasiiradan badan uu magacaabay uu ugu tala galay in ay shaqo badan qabtaan balse uusan u magacaabin dalxiis iyo baashaal in ay ku jiraan.

 

Wasiirada tirada badan uu magacaabay Madaxweynaha dalka Ghana ayaa u badan Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dalkaasi, waxaana la sheegay in %65 kamid ah golaha Wasiirada in ay yihiin Xildhibaano Baarlanaanka katirsan.

 

Madaxweynaha ayaa shacabkiisa u sheegay in aysan ka wel werlin mushaarka ay qaadanayaan Golaha Wasiirada, waxa uuna xusay in Wasiirada Xildhibaanada ah kaliya qaadan doonaan mushaarkoodii hore .

 

Nana Akufo-Addo ayaa sheeagy in ujeedku uu Wasiiradan badan uga soo dhax xushay Baarlamaanka in ay tahay in uu ku dhimo qarashaadka badan ee ku bixi lahaa Wasiirada banaanka laga keenayo.

 

Dalka Ghan waxaa kunool dad lagu qiyaasay 27-milyan, waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi horey u balan qaaday in uu la dagaalami doono musuq maasuqa, Wasiiradan ayaana noqonaya kuwii ugu badnaa uu yeesho dal kuyaala qaarada Afrika.

Comments are closed