|

Xildhibaan Koore Muxuu Uga Soo Horjeestay Taageerada Golihiisu u Muujiyay Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo?

Hargaysa 19. March 2017 (SDN/QJ):- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii Shalay oo uu shirgudoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee aqalkaas Md. Baashe Maxamed Faarax, waxay ku ansixiyeen soo jeedin la xidhiidha in Goluhu taageero wadahadalka u socda Dawladda Somaliland iyo maamulka Khaatumo.

Golaha waxa fadhiyay 44 Xildhibaan oo ka mid ah 82-ka Mudane ee aqalkaasi ka kooban yahay, waxa taageeray wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo 42 Mudane, cid diiday may jirin, hal Xildhibaan wuu ka aamusay guddoomiyuhuna muu codaynin.

Fadhigaas ka dib waxa si adag u naqdiyay go’aankii Golaha ka soo baxay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool, waxaanu Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Wakiillada ku sifeeyay dambiile qaran.

“Horta Guud ahaan Xildhibaanno badani fadhiga ma fadhiyin, Baashe (Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad) oo inta yar ee Cirro maqan yahay ka faa’iidaysanaya. Dhawrnin oo uu soo xushay buu saaka hoosta uga sheegay. Ma waxa la taageereyaa nin yidhi Xukuumad baan ahay Somaliland joogta.”

 

“Waa shirkii yaraa ee ay iskugu tageen Xidh-xidh(Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Khaliif) iyagoo qoys ah. Wax annaga dadka reer Sool iyo deegaannadaas khuseeya midna maaha. Xukuumaddu haddii ay heshiis la galayso Khaatumo marka heshiisku dhammaado xukuumada ayaa caddeyn doonta in Heshiis dhacay, laakiin hadda gole taageerayna ma jiro, nin leh waxaan ahayd dawlad Khaatumo la yidhaahdo, ninka golaha keenayna waa dambiile qaran,”ayuu yidhi Xildhibaan Koore oo la hadlay warbaahinta kulankaas ka dib.

Comments are closed