Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay inay Xaalad Deg Deg ah Dalka Ku Soo Rogto DAAWO
Hargaysa 19. March 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo u Soo jeediyey Mar labaad inay dalka Ku soo rogto Xaalad Deg Deg ah Maadaama ay ka sii darayso Xaalada Abaareed ee dalka ka jirta.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Maxamed Xasan Khayre ‘’Shabaash’’ ayaa Sheegay in Wax laga damqado ay tahay dhibaatada ka dhalatay abaarta ka taagan Somaliland,Waxaanu Xukuumada u soo Jeediyey inay Hakiso dhamaanba Kharashaadka Miisaaniyada ku jira lagana Fuudh yeelo Samato Bixinta Shacabka tabaalaysan.