|

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay duqeyntii lagu laayey Qaxootiga Soomaalida Yemen

Muqdisho 19. March 2017 (SDN/QJ):-Dowladda Somalia ayaa si kulul uga hadashay Qaxootigii Soomaalida ahaa ee lagu laayey xeebta magaalada Xudeyda ee wadanka Yemen.

Dayuurad Helicopter ah ayaa gantaal ku dhufatay doon ay la socdeen Qaxooti Soomaali ah oo ku sugeyd xeebaha Yemen, waxaana halkaas ku dhintay ku dhowaad 50 ruux oo Soomaali ah kuwaasoo ay ku jireen Dumar caruur.

 

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin qaxootigii Soomaalida ahaa ee shalay lagu laayey xeebaha Yemen, isagoo xusay inay mas’uul ka yihiin Isbaheysiga uu sacuudigu Hogaamiyo iyo dowladda Yemen.

 

“Waxaan ka xunnahay xasuuqa foosha xun ee lagula kacay muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku Safrayay Doonta, kuwaasoo ahaa qaxooti muddo ku noolaa Yemen, balse doonayay inay nolol u raadsadaan meelo kale, wax la aqbali karo ma ahan, waxaana mas’uul ka ah xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen” ayuu yiri wasiir Hadliye.

 

Waxaa uu dalbaday in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dhacdadan lagu xasuuqay Soomaalida.

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo ay ka geysteen Xeebaha Yemen.

Comments are closed