|

Maraykanka Oo Madaxiisa Dul Dhigay Nin U Dhashay Ruushka Mallaayiin Dollar !

New York 17. March 2017 (SDN/QJ):- Hacker waa magaca loo adeegsado qofka ku tallax tagay isla markaana khibrada badan u leh Tiknoolajiyada gaar ahaana Kombiyuutarada iyo Amniga la xidhiidha Macluumaadka ku keydsan.

Haddaba, Hacker-ka ugu khatarsan Adduunka ayaa waxa lagu sheegay inuu yahay Nin u dhashay Dalka Ruushka oo la yidhaa Yevgeny Bogachev oo da’diisu tahay 33 jir kaasoo abaal marin loo siinayo mallaayiin dollar ciddii soo sheegta halka uu ku sugan yahay ama soo qabataba.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ku nool yahay nolol aad u heer saraysa oo uu haysto lacag Mallaayiin ah oo ugu keydsan Xisaabo u gaar ah oo uu leeyahay, sidoo kalena waxa uu leeyahay Laash u gaar ah iyo Raxan gawaadhi ah iyo guryo aad badan oo Fiilooyina oo si heer sare ah loo dhisay, Saxaafada New York Times ayaa waxay tidhi “Bogachev waxay Hay’adda Sirdoonka ee Dalka Maraykanku ku abaal marinayso qofka soo qabta ama keena macluumaad iyo xog sheegaysa halka uu ku sugan yahay abaal marin lacageed oo dhan 3 Millyan oo Dollar, Ninkan ayaa la sheegay inuu haatan ku nool yahay Resort ku yaala Badda Madaw ee ku taala Koonfurta Dalka Ruushka.

Waxa isweydiin leh sidee ayuu nolol raaxo leh ugu noolaan karaa ninkan madaxiisa la dul dhigay 3 Millyan oo Dollar?.

Comments are closed