Qiimeynta Sannadkan: Magaalada Ugu Nolosha Wanaagsan Iyo Ta Ugu Nolosha Xun Adduunka
Vienna 17. March 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Vienna ee Caasimadda Dalka Austria ayaa waxa ay sanadkii 8aad ee xidhiidha ku guulaysatay in loo doorto in ay tahay Magaalada ugu wanaagsan Adduunka ee lagu noolan karo, halka Magaalada Baqdad ee Dalka Iraq ay noqotay Magaalada ugu nolosha Xun Adduunka.
Qiimayntan lagu kala ogaanayo Magaalooyinka Adduunka sida ay ugu kala wanaagsan yihiin nolosha ayaa waxa sanad walba Diyaarisa Shirkadda Mercer Consulting waxa aanay sanadkan qiimayn ku samaysay ilaa 231 Magaalo oo ka tirsan Adduunka, Qiimayntaasi awgeedna waxa la ogaadaay in Magaalada Vienna ay tahay magaalada ugu nolosha wanaagasan Adduunka.
Tirada Dadka ku nool magaalada Vienna ayaa waxa lagu sheegay 1.8 Millyan oo qof waxaana magaaladaasi aad ugu badan goobaha taariikhiga ah, sidoo kalana waxa la xaqiijiyay in ay magaaladaasi ka nolol jaban tahay magaalooyinka kale ee reer Galbeedka.
Sidoo kale, Magaalooyin aad uu waaweyn oo ay ka mid yihiin magaalooyinka London iyo Paris ayaan ka mid noqday 30ka magaalo ee ugu nolosha wanaagsan, waxaana ku soo xigay magaalada Vienna magaalooyinka Zurich ee Dalka Switzerland iyo Magaalada Auckland ee dalka New Zealand, halka aanay waddamada qaaradda aynu ku nolanahay ee Afrika soo galin qiimayntan xumaan iyo samaan ba.