|

Diyaarad Qaaday Hal Qof Oo Kaliya Markii Ay Weyday Rakaab Kale Oo Raaca !

Xaa’il 17. March 2017 (SDN/QJ):- Haddii aynu maqli jirnay in Maalqabeenada Dalalka Carabtu inay shimbirahooda u kireeyaan Duulimaadyo u gaar ah oo ay ku baxdo mallaayiin lacag ah, laakiin waxa arrintaasi mid ka duwan ku tallaabsaday Nin u dhashay Dalka sucuudiga oo kalidii raacay Diyaarad Rakaab ah oo aanay Rakaab kale la saarnayn.

Waa dhacdo aad ugu yar guud ahaan Dunida Duulimaadyada diyaaradaha mana jirto sida aynu wada aaminsanahay shirkad Diyaaradeed oo si toos ah u shaqaysaa inay weydo rakaab ka badan hal qof oo kaliya.

 

Arrintan oo aad u layaab badan ayaa ka dhacday gudaha Dalka Sucuudiga kadib markii shirkada Diyaaradaha ee magaceeda loo yaqaan NASMA ee ka hawl gasha gudaha Dalkaasi ay weyday Rakaab raaca oo waqtigii duulimaadkeedana uu ka hadhay saacad kaliya uu yimidna hal qof oo hore u goostay Tigidhka diyaaradaasi, Duulimaadkan ayaa waxa uu ahaa mid ku socday Magaalada Xaa’il una socday Magaalada Rafxaa, Ninkan kalidii ku guuleystay inuu diyaaradan raaco ayaan isagu wax lacag ahi ka khasaarin, kaasi oo magaciisa la yidhaahdo Jihaad Al-muriix waxaanu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsanahay arrintan halka madaxda iyo shaqaalaha Shirkada NASMA ay ka cadhaysanyihiin inay khasaareen kharash aad u badan”.

Sidoo kalena madaxda shirkada NASMA ayaa waxay xaqiijiyeen in haddii sidan oo kale ay mar labaad ku dhacdo inay joojin doonaan Duulimaadyada labadan Magaalo.

Comments are closed