Cabashadii Shaqaalaha Dekedda Berbera Oo La Soo Afjaray Iyo DP World Oo Ballan-qaaday CAYMISKA Shaqaalaha
Hargaysa 16.March 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in la soo Afjaray Khilaaf dhanka Mushaharaadka ah oo soo kala dhex-galay Shirkadda DP World ee Gacanta ku haysa Maamulka Dekedda Berbera iyo Shaqaalaha Dekedda Berbera.
Toddobaadkan ayaa khilaaf dhinaca Mushaharka ahi wuxuu soo kala dhex galay Maamulka DP World u qaabilsan Dekedda Berbera iyo Shaqaalaha Dekedda, qaybta loo yaqaanno TM-ta ee Raridda iyo Dejinta, taasina waxay sababtay in Shaqaaluhu sameeyaan Dibad-bax cabasho ah iyo Hal Maalin oo Shaqo joojin ah, laakiin kulan Shalay Qasriga Madaxtooyada ku dhex maray Guddi laga soo xulay Shaqaalihii shaqo-joojinta sameeyay, Masuuliyiin ka mid ah Madaxda DP World ee Dekedda, Maareeyaha Dekedda Berbera ee Somaliland iyo Wasiirrada Xukuumadda, ayaa lagu xalliyey khilaafkii Shaqaalaha iyo Shirkadda DP World.
Gebogabadii Shirka lagu Xallinayey Khilaafkaasi, ayaa waxa si wada jir ah Saxaafadda kula hadlay Wasiirrada Xukuumadda ee Xalka Arrintan ka shaqeeyay, Maareeyaha Dekedda iyo Qaar ka mid ah Guddidii laga soo xulay Shaqaalaha, waxayna sheegeen in la soo afjaray khilaafkii jiray.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Arrintii ka dhaxaysay Shirkadda DP World iyo Shaqaalaha Dekeddu si fiican bay noogu soo gebogabowday, hawshiina si fiican ayaa la iskula afgartay. Dekeddu in badan ayay soo shaqeynaysay, haddii Shirkad cusub timid Adduunyada oo dhan way ka dhacdaa, oo Wacyi-gelin baa ka dhinnayd (Shaqaalaha) taana waanu qaadanaynaa inaanu khaladka lahayn, Madax-waaxeeddadii iyo Nimankii muhiimka u ahaa (Shaqaalaha Dekeddu) halkan (Madaxtooyada) ayay iskugu yimaaddeen, arrintiina si fiican baanu iskula afgaranay, waanuna dhamaystireynaa oo wax xumaanayaa ma jiraan.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waa in aan Shaqada la joojin, waayo? Meeshu (Dekeddu) waa dhuuntii wax lagu kala waday, markaa waa inaan Shaqada la joojin, wixii cabasho ahna Guddi baa loo sameeyay. Shaqaaluhu yaanay u qaadanin in Ajaanib Maamulayo, waa muwaadiniin oo Xaqii Muwaadinnimo ayay leeyihiin.”ayuu yidhi.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland, ayaa isaguna sheegay, “Wixii dhiman ee sixitaan u baahan waxa la dhamaystiri doonaa 27-ka bisha ama 30-keeda, waxa kale oo aanu u sheegaynaa shacabka Somaliland iyo Shaqaalaha Dekedda Berbera in Shaqadii iyo Horumarintii Dekedda Berbera loogu talo-galay ay sidiisii u soconayso.”ayuu yidhi.
Maareeyaha Dekedda Berbera Mr. Axmed oo isaguna Gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Sagaal Arrimood oo labada dhinac midna soo bandhigay, mid kalena ka jawaabayey, waxaanu ku dhamaynay si is-afgarasho ah, ha ugu muhiimsanaato Shaqaalaha Mushaharkiisa, ha ahaato Shaqaalaha Muruq-maalka ah sida Dheeftooda loo siinayo, sida Shaqaalaha Mushaharka loogu kordhinayo, sida wax hore oo xuquuq ah oo ay ka cabanayaan meel loo saarayo, sida Shaqaaluhu hadduu dhaawacyo ama dhinto Caymis loo gelinayo, laga soo bilaabo bishan Maarij kowdeedii ay Shaqaaluhu ku jiraan Caymis Nafsi ah, dhammaan waxaasi waanu isku af-garanay oo si fiican baanu iskula meel dhignay.”
Waxa kale oo uu Maareeyuhu sheegay in la sameeyay Guddi ka shaqeysa oo ka jawaabta wixii cabashooyin ah ee yimaadda wixii ka dambeeya Heshiiskan.