|

Xukuumadda Oo Ku Hafatay Sababtii Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Looga Hor-Istaagay Kulan Ay Hargeysa Ku Qabanayeen DAAWO

Hargaysa 15. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiir ku-xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye oo waraysi siiyay telefiishanka HCTV ayaa ka hadlay kulan Shalay xisbiga WADDANI damacsanaa inuu ku qabto hoteel Maansoor oo laga hor-istaagay, iyo sababta Keentay.

Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxmaed Muuse Diiriye, ayaa waraysi kulul oo uu la yeeshay Weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Horn Cable TV, ka dib markii Shirkaas Shalay uu qabsan lahaa Xisbiga Waddani loo diiday ka dib, ayaa ku haftay inuu jawaabo lagu qanco ka bixiyo Su’aalo uu Weriyuhu arrintaas iyo caddaynta uu Soomaaliweyn ugu xidhiidhiyey Waddani iyo ciddii la aragti ah.

 

Haddaba, Waraysiga uu Weriye Xamse la yeeshay Wasiiru-dawlaha Amniga Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, Su’aalaha la weydiiyey, Jawaabaha uu ku haftay iyo sababta rasmiga ah ee ay Xukuumaddu u hor-istaagtay Shirka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani qabsan lahaa, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

Comments are closed