|

Halkan Ka Akhriso Nuxurka Digreeto Ka Soo Baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Oo U Dirtey Mulkiilayaasha Hudheelada Gobolada Dalka

Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiiru-dawlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa Digreeto uu soo saaray shalay ku mamnuucay in Huteeladda Dalka lagu qabto shirar liddi ku ah Ammaanka iyo wax uu ugu yeedhay Horumarka Dalka.

Digreetadda Wasiirka ayaa xalay la dhaqan galiyey, iyadoo dhamaan Huteeladda loo qaybiyey amarka qoraalka ah ee ka soo baxday xafiiskiisa.

Amarka wasiirka ayaa ka dhashay shir Xisbiga Wadani uu doonayey in uu manta ku qabsado Hotelka Maansoor, kaasoo ay kaga hadli lahaayeen Heshiisyada ay xukuumaddu la gashay Imaaraat-ka.\

 

Comments are closed