‘’Maxkamadda Sare Ayaan u Gudbinaynaa Dacwada Naloogu Diiday Xafladaas Markaas ama Maxkamada iyo Garsooruhu waxay La Mid Noqon Doonaan Garyaqaanadii Ka Hor Yimid Amarkii Madaxweyne Trump Amase…’’ Xuseen Axmed Caydiid DAAWO
Hargaysa 15. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caddaaladda Somaliland Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa si adag u durey nidaamka iyo jahada ay immika xukuumadda KULMIYE ku waddo dalka.
Xusseen Axmed Caydiid oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag uga hadley tallaabo ay Shalay xukuumadda KULMIYE kaga hor istaagtey xisbiga WADDANI in uu xaflad ku qabsado hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Xafladdan oo lagu lafo gurayey saldhigga Milllatari iyo khasaaraha uu u leeyahay dalka Somaliland iyo shacabkeeda,waxaana munaasibaddaasi lagu casuumey aqoonyahanka dalka iyo xubnaha kala duwan ee dawladda KULMIYE.