|

“Waxaan Leeyahay Ina Muuse Diiriye Iyo Qayrkiiba Maanta Haddaad Maansoor Hor-istaagteen Meelo Ay Daan Hor-istaagi Kareyn Ayaa Jira,Ballanna…” Xoghayaha Difaaca Waddani DAAWO

Hargaysa 15. March 2017 (SDN/QJ):- Xog-hayaha difaaca ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Siyaasi Khadar Budle oo warfidiyeenada kula hadlayey Magaaladda Hargaysa ayaa waxaa uu hanjabadii ugu cusleyd u diray xukuumada gaar ahaan wasiirul dawlaha wasaarada arrimaha gudaha oo Shalay soo saaray amar xisbigaasi lagaga hor istaagey shir uu Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku qabsan lahaa Kuna Soo Bandhigi Lahaa Daraasad ay ka Sameeyeen Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga Siiyay Berbera.

Siyaasigan ayaa waxaa uu wasiirka Maxamed Muuse Diiriye ugu hanjabey haddii ay ka hor istaagen xisbiga Waddani Xaflad uu qabsanaa laha in ay jirto meelo aanay ka hor istaagi karin oo ka mid ah dalka Somalialnd.

Comments are closed