Wasiir Saaxadda Siyaasadda Ku Cusub Oo Daaha Ka Feydey In Loo Magacaabey Wasaarad Madhan Oo Bilaa Xafiis Ah DAAWO
Hargaysa 15. March 2017 (SDN/QJ):- Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay cod gacan taaga ku meel mariyeen wasiiro,wasiiro ku xigeeno,wasiiru-dawlayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,Kuwaasi oo uu madaxwaynuhu digreeto ku magacaabay.
Mas’uuliyiinta la ansixiyey ayaa waxa ay kala ahaayeen, Wasiirada Isgaadhsiinta,Dhaqanka,wasiiru dawlaha cadaaladda,wasiiru dawlaha gaashaandhiga,wasiir ku xigeenada madaxtooyada,Hawlaha Guud,Warfaafinta,Dhaqanka,Xidhiidhka golayaasha,ganacsiga iyo waliba gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland kuwaas oo dhamaantood madaxwayne Siilaanyo dhawaan digreeto ku magacaabay.