Shan Sanno Kadib oo Mar Kale Xeebaha Somalia Lagu Afduubay Markab Ganacsi
Boosaso 15. March 2017 (SDN/QJ):- Markabkan nooca xamuulka ah ayaa laga af-duubay meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
Koox burcad badeed Soomaali ah ayaa fuulay markabkan oo uu ka babanayey calanka Sri Lanka, xili uu marayey marayey xeebaha woqooyi ee Soomaaliya maalintii Isniintii.
John Steed oo ka tirsan hay’adda Ocean Beyond Piracy oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri “shalay galabtii wuxuu markabku sheegay inay daba socdeen laba doonyood oo yaryar, ka dibna warkiisaba waa la waayey”.
Afhayeenka ciidamada badda Midowga Yururb oo hawlo la dagaalanka burcad badeedda ah ka wada halkaas, ayaa sheegay inaan lagu degdegi karin in la xaqiijiyo in af-duubkan ay fuliyeen burcad badeed iyo in kale.
Hadii arrintan la xaqiijiyo waxay noqon doontaa dhacdadii u horraysay ee markab xamuul ganacsi ah ay ku af-duubtaan burcad badeed Soomaali ahi tan iyo sannadkii 2012.