Maxkamadda Ugu Sarreysa Dalalka Yurub Oo Amar Ku Bixisey In Shirkaduhu Ay U Diidi Karaan Shaqaalahoodu In Xijaab Xidhaan
Belgium 15. March 2017 (SDN/QJ):- Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Yurub, ayaa xukuntay in dadka loo shaqeeyeyaasha ahi ay xor u yihiin in ay shaqaalahooda ka mamnuucaan “xidhashada wax kasta oo noqon kara calaamad siyaasadeed, mid falsafadeed ama mid diineed oo muuqata” waxaana ka mid ah xijaabka ay xidhaan haweenka Muslinka ah.
Laakiin sida ay sheegtay Maxkamadda Cadaaladda Yurub (ECJ), mamnuuciddan ayaa ay tahay in lagu saleeyo sharciyada u gaarka ah shirkadaha xeerarkoodu dhigayaan in shaqaaluhu xidhaan “lebis dhexdhexaad ah”.Laguma saleyn karo rabitaanka macaamiisha, ayey tidhi maxkamaddu.
Waa go’aankii u horreeyey ee maxkamaddu ka gaadho in lagu shaqo tegi karo xijaabka.
Xukunkan Maxkamadda Cadaaladda Yurub wuxuu ka dhashay dacwad ay gudbisay haweeney shaqadeeda looga eryey in ay xidhnayd xijaabka oo u shaqayn jirtay shirkadda G4S ee dalka Belgium.
Maxkamadda sare ee Belgium ayaa dacwadan hore ugu gudbisay maxkamadda ugu sarreysa Yurub si ay talo sharci uga bixiso.