Xisbiga WADDANI oo Laga Hor Istaagay Xaflad uu Ku Soo Bandhigaayey Cilmi-baadhis Lagu Sameeyey Saldhiga Milatari ee Imaaraadka
Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga WADDANI, waxa Maanta laga hor istaagay xaflad uu ku soo bandhigaayey cilmi-baadhis xeel dheer oo lagu sameeyey saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadka laga siiyey Berbera.
Xisbiga oo xafladdan cilmi-baadhiseed ku soo bandhigaayey hotel Maansoor ee Hargeysa, ayaa ahayd mid si xeel dheernimo aqooneed ah laga ga waramaayey saldhiga Milatari faa’iido iyo khasaare ba, waxaana lagu soo casuumay madaxda xukuumadda KULMIYE, siyaasiyiin, aqoonyahan, xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo weli ba dhallinyarada jaamacadaha dalka.