|

Dadweyne Danyar ah oo Mudaharaad Ka dhan ah Xisbiga Waddani ka sameeyay Magaaladda Ceerigaabo DAAWO

Ceerigaabo 13. March 2017 (SDN/QJ):- Dadweyne Danyar ah oo ku dhaqan Magaaladda Ceerigaabo ayaa Sameeyay Isu Soo bax ay Sheegeen inay kaga Soo Hor Jeedaan Xisbiga Waddani oo ay Xuseen inuu Ka Soo Hor Jeestay Caawimo iyo Taageero loo Fidin lahaa dadka danyarta ah.

Sidoo kale dadka Mudaharaadka Dhigayay Waxay eedayn tan oo Kale u Soo Jeediyeen Hay’ada Samo Falka ee Khadiija Foundation oo ay ku tilmaameen Hay’ad Siyaasadeed balse aanay u aqoonsanayn hay’ad Samafal oo Bulshada Jilicda San Caawisa.

Hodan Cali oo Ku hadlaysay Afka Mudaharaadayaasha ayaa Sheegtay in Ujeedada ay isugu soo baxeen la xidhiidho Sidii ay u Muujin lahaayeen In Gudoomiyaha Xisbiga Waddani uu Madaxa Isaga Taagay Xuquuqda dadka Danyarta ah ee Ku dhaqan Ceerigaabo isla markaana uu ku amray Hay’ada Khadiija Foundition in Wax taakulo ah aanay u Gayn dadka danyarta ah.

Comments are closed