|

“Madaxtooyadeeni Way Guurtey Oo Xamar Baa Laynaga Xukumaa , Heshiiskan DP World na Xamar Baa Laga Soo Saxeexay ..” Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble DAAWO

Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa waxaa uu madaxtooyada Somaliland ku eedeyey in ay noqtey mid guurtey dhinca Somaliya isla markaana dalkan laga xukumo Xamar.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa waxaa uu cadeyn u soo qaatey hadalo ka soo baxay wasiirka madaxtooyada waxaana uu sheegay in wasiirka madaxtooyadu uu cadeeyey in heshiiska Somaliland la so gadhey shirkada DP World laga soo saxeexay dalka Somaliya.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa waxaa uu taageero u muujiyey mudaharaad ay sameyeen shaqaalaha dekada Berbera oo ay kaga cabaneyeen shirkada dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekadaasi ee Dp World.

Comments are closed