‘’Way Dhamaatay Wakhtigii Shaxda Lagu Ciyaari Jiray Tobanka Mitir ee u Dhexeeya Labadan Guri ee Madaxtooyadda Iyo Baarlamaanka oo Halka Maanta aanu Ku Shaxaynaa Waa 700 Km’’ Xildhibaan Saleebaan Cali Koore DAAWO
Hargaysa 14. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, ayaa eedaymo culus u jeediyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon iyo Wefti uu hoggaaminayey oo dhawaan Safar shaqo ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu ku tilmaamay mid ku fashilmay hoggaaminta laga filayey, isla markaana kala qaybin iyo kala kaxayn ka dhex wada Bulshada iyo Beelaha Sool.
Hase-yeeshee, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo Xubnaha Weftigaas Wasiirka ka tirsanaa, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Mudane Siciid.
Waxaanu sheegay in Xildhibaan Siciid oo ay labadooda iyo Wasiirka arrimaha guduhuba ay ka soo wada jeedaan gobolka Sool dhalasho ahaan, isla markaana aanu 11 sano oo uu Siciid Maxamed Cilmi Golaha Wakiillada ee Somaliland ay Xildhibaanno ka wada ahaayeen aanu maalin keliya booqan ama Safar ku tegin deegaannada gobolka Sool iyo magaalado-madaxdiisa Laascaanood toona.
Shirar Jaraa’id oo ay labadan Xildhibaan ku kala qabteen isla magaalada Hargeysa ayay isku weydaarsadeen weedho weerar iyo weerar celis ah. Ugu horreyn Xil. Siciid Maxamed Cilmi oo isagu naqdiyey safarkii weftiga xukuumadda ee uu horkacayay wasiir Faratoon isaga oo ku dooday in wasiirku uu kala qaybinayo bulshada gobolka Sool, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “Wasiirro waaweyn oo nimankii deegaanka u dhashay ay hoggaaminayaan oo niman xildhibaanno ah oo meesha [Sool] ku noqnoqon jiray ay la socdaan halkii ay ka ahayd in ay dadka isu soo dhaweeeyaan ayaa waxa ay halkaasi ka abuureen kala qaybin iyo tafaraaruq iyo in weliba qaab qaballi ah loo kala fadhiisto”.
Sidaas ayuu yidhi Xil.Siciid waxaanu haba yaraatee wax aan cuntamayn uun xildhibaankani ku tilmaamay qoddobadii siddeeda ahaa ee ay kala saxeexdeen weftiga xukuumadda iyo odayaasha reer laascaanood oo uu iyaga ku tilmaamay in aanay ahayn odayaashii rasmiga ahaa balse ay yihiin shaqaalle dawladeed “Heshiis maaha waxaasi ee waa baaq ay isla saxeexdeen weftiga ay wasiirradu hoggaaminayeen iyo saraakiishii hay’adaha dawladda u joogtay gobolka, sidaasi darteed anigoo kamid ah xisbiga KULMIYE isla markaana kamid ah xubnaha golaha baarlamaanka ee taageersan xukuumadda madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in arrinta gobolka dib loogu noqdo”. Ayuu yidhi xildhibaanku.
Jawaabta Xil. Saleebaan Koorre uu ka bixiyey eedaha Xil. Siciid Maxamed Cilmi
Dhinaca kale xil. Saleebaan Cali Koorre oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada ee ay isku deegaanka ka soo jeedaan xildhibaan Siciidka dhaliilaya wasiir Faratoon, islamarkaana kamid ahaa xubnihii weftiga ee Laascaannood u joogay qaddiyada uu Mr. Cilmi naqdiyayo ayaa isaguna deedifeeyey amuurtaasi isagoo ku tilmaamay mid aan haba yaraatee waxba ka jirin, isagoo eedaha Xil.Siciid Ku macneeyey kuwo jaban. Md. Koorre waxaa uu wasiir Yaasiin Maxamed Faratoon ka difaacay dhaliillaha uu xildhibaanka kale u soo jeediyey, kaasi oo uu ku sifeeyey mid aan waxba kala socon xaallada gobolka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.
Ugu horeyn waxaa uu saleebaan Cali Koorre ka hadlay natiijada safarka ay Laascaannood ku tageen oo muddo saddex maalmood ah qaatay “Hawshii aanu halkaa [Laascaannood] u tagnay 100% ayay u fushay cid kasta oo aanu la kulanaynay waxaa ay u muuqdeen fikir sax ah oo runtii u baahan in la dhiiri geliyo, odayaashii deegaanka, siyaasiyiintii,maamulkii iyo nooc kastoo bulshada kamid ah oo saddexdaas maalmood ee aanu ku sugnayn Laascaannood lakulanay runtii si gobonnimo iyo karaamo iyo sharaf leh ayay arrimihii aanu u soconay noola qaateen”.
Sidaa ayuuyidhi Mr. Koore, waxaanu hadalkiisa ku ladhay jawaab uu ka bixinayo hadalka ka soo yeedhay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi “Waxaa la igu yidhi Xildhibaan Siciid oo aanu kasoo wada jeedno meel ayaa yidhi lalama shirin cuqaal. [laakiin] dee xildhibaan Siciid Waxan leeyahay cid cuqaal ah iyo cid aan cuqaal ahayn maba kala yaqaano sababtoo ah dhowr iyo tobankaas sanno ee aanu xildhibaanada ahayn weligii laascaannood ismuu taagin, xataa Adhi caddeeye ayuu ku dhashay oo muu tegin markaa waa saxsan yahay oo maba garan karo cuqaasha iyo wejiyadooda”sidaa ayuu yidhi Xil. Koorre.
Waxaana uu intaas ku daray isaga oo ka hadlay saamaynta ay socdaalladooda siyaasadeed ee gobolka Sool; yeesheen “Waxaa kale oo aan leeyahay labadan guri ee madaxtooyada iyo baarlamaanka waqtigii laga ciyaari jiray shaxdu way dhammaatay, oo shaxdu waxaa ay maanta maraysaa xuduudaha, toddoba boqol oo Km bay shaxdu maanta maraysaa halka aanu ka shaxaynaa eeka hadlaynaa ee dadka ugu tegeynaa ee ummada Somaliland isku daraynaa oo xuduudka soo xidhaynaa ee dadka ku walaalaynaynaa waa 7 boqol oo Killo Mitir laaakiin maaha tobanka mitir ee Madaxtooyada iyo u dhexeeya baarlamaanka”. Ayuuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koorre .
Hadalladan xanafta siyaasadeed leh ee ay xildhibaannada isku deegaanka ahi hawada isumarinayaan ayaa ku soo beegmay xilli ay Shan caano maal ka hor qaraar wada jir ah ay xukuumadda oo wasiir Faratoon iyo masuuliyiin kale metelayaan iyo madaxda dhaqanka ee gobolka Sool isku afgarteen in ay isu soo dhawaansho ka muujiyaan afkaartooda siyaasiga ah.