Awooda Shacabka Turkiga ee ku Nool Yurub iyo Wadamo hor leh oo ku soo biiray Siyaasada looga hor jeedo Turkida !! DAAWO
Ankara 14. March 2017 (SDN/QJ):- Waxaa sii xoogeysanaya isku soo baxyo ay dhigayaan shacab weynaha Turkiga gaar ahaan kuwooda mudada dheer ku noolaa Qaarada Yurub ee loo diiday inay cododkooda dhiibtaan .
Wasiiro iyo Siyaasiin ka tirsan dowlada Turkiga ayaa si cad looga hor is taagay inay booqdaan ama ka qeyb qaataan banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Erdogan oo qorsheenayo qaadista aftida cusub ee doorashooyinka dalka Turkiga ka dhacaayo bisha April .
Wadamada ilaa hada laga mabnuucay inay ka dhacaan Banaanbaxyo lagu taageerayo Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa ka mid ah Germany , Holland , Austria , Switzerland iyo Denmark , halka qaarkale ay wali is qarinayaan ama aamusan yihiin .
Madaxda dalalka Yurub ayaa intooda badan waxeey si weyn u diidan yihiin in Madaxweyne Erdogan uu codad u soo raadsado Malaayiinta Turkida ah ee heysta Dhalashada wadamada Yurub kuwaas oo 88% codadka siiya Madaxweyne Erdogan.