Hindiya : Dugsiga Waxbarasho Oo Loo Diiday Haweenka Ay Da’doodu Ka Yartahay 60 Jir !
Delhi 14. March 2017 (SDN/QJ):- Waxbarashadu waa u muhiim horumarka nolosha Aadmiga, waana inaad ku dadaashaa maalin kasta oo noloshaada ka mid ah.
Dugsiga Ajibaica Shala School ee ku yaalla Dalka Hindiya gaar ahaan Tuulada Vangen ayaa waxa wax lagu baraa haweenka ay da’doodu tahay 60 jir ama ka weyn, sidoo kale dugsigan ayaan loo ogolayn inay wax ka bartaan Haweenka ka yar da’daasi.
Kamila Ckshavetobanga oo ka mid ah haweenka Dugsigaasi wax ka bartaa oo Da’deedu ay tahay 60 jir ayaa wareysi ay shabakada Reuters siisay ayaa waxay ku tidhi “Waxaan aad u jecelahay in aan tago Dugsiga, waxaana na lagu bartaa akhriska”.
Dugsigan ayaa la aasaasay markii la xaqiijiyay in Shacabka Dalkaasi Hindiya 74% ay yihiin Dad aan waxba akhriyin waxna qorin, taasi oo macnaheedu yahay in Jahliga ka taagan Dalkaasi uu kor u kacay sida lagu xaqiijiyay tira koob la sameeyay sanadkii 2011kii.
Haddaba, Dugsigan oo ka kooban hal qol oo kaliya ayaa waxa haweenka Tuulada Vengan wax lagu baraa galinka danbe, waxaana shurruud looga dhigay in aanay dugsigan wax ka baran Karin haweenka ay Da’doodu ka yar tahay 60 sano.
Madaxda laamaha waxbarashada ee Dalkaasi Hindiya ayaa waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tallaabadan lagula dagaalamayo Jahliga kuna dedaalayaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada waxbarasho ee Dalkaasi gaar ahaan Haweenka aan aqoonta lahayn.