Midabka Biyaha La Cabo Ee Tuulo Ka Mid Ah Dalka Canada Oo Isbadalay Iyo Dadweynaha Oo Ka Argagaxay!
Canada 14. March 2017 (SDN/QJ):- Dadka ku dhaqan Tuulada Oonowaa ee Dalka Canada ayaa waxay la kulmeen Xaalad aragagax galisay kadib markii ay fureen Qasabadaha Biyaha ee ku yaalla guryahooda, taasoo ah in midabkii Biyuhu uu is badalay oo uu noqday casaan.
Haddaba, sida lagu soo bandhigay Sky News oo Wargeyska Himilo soo xigtay ayaa waxa Madaxda Tuuladaasi sheegeen in qalad dhacay awgii uu Midabka Biyuhu isku badelay, taasoo ah in Dhuun ka mid ah Dhuumaha Qaada Macdanta Potassium Permanganate uu ku furmay Biyahaasi arrintaasina ay dhalisay in Midabka Biyuhu is bedelaan.
Maadooyinka Chemicals-ka ahaa waxa loo adeegsadaa had iyo jeer nadiifinta dhuumaha ay biyuhu soo maraan iyo sifaynta biyaha ay Dadku cabbayaan, sidoo kale Khubarada ka faalooday arrintan ayaa xaqiijiyey in arrinta noocaas ahi ay ku keeni karto Dadka dhibaato caafimaad oo ay ka mid yihiin Maqaarka jidhka oo gubta, haddii uu qofku cabo biyaha noocaasi ah waxay ku keeni karaan Cuna Xanuun iyo Calool Xanuun.
Duqa tuuladaasi Oonowaa oo la yidhaahdo Dale Krasnow ayaa waxa uu yidhi ”Wax digniin ah kamaanaan helin Shirkada ka masuulka ah sifaynta biyaha, sidoo kalena ma hayno warar sheegaya inay dhibaatooyin shacabka soo gaadhay jiraan”.