Raisul wasaaraha Somalia Mr Khayre oo amar ka soo saaray dhismayaasha ka socda agagaarka garoonka Aadan cadde (Akhri)
Muqdisho 13. March 2017 (SDN/QJ):- Raisul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo saaray wareegto lagu joojinayo dhamaan boosaska sida sharci darrada ah loo kala iibsanayo & dhismayaasha ka socda agagaarka garoonka dayuuradaha Aadan cadde.
Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in lagu xad gudbay xeyndaabkii garoonka dayuuradaha, isagoo xusay in guddi arintaas baaritaan ku sameeyo uu soo magacaaabi doono.
Shirkado ajaaniib iyo Soomaaliba leh ayaa buux dhaafiyey, dhismeyaal cusub ka sameystay agagaarkaa garoonka Aadan cadde ka dib la degay dhamaan dhulkii ku yiilay gudaha garoonka.