|

Maraykanka: Lamaane Is-qaba Oo Isku Ciidan Ah Weliba ah Duuliyeyaal Dagaal & Dhibaatada Soo Wajahda!!!

Washington 13. March 2017 (SDN/QJ):- Lamaane is qaba oo u dhashay Dalka Maraykanka ayaa waxa ay is guursadeen iyaga oo is jecel, balse nasiib wanaag nooloshoodu iyo wehelkoodu kuma eekaan oo kaliya guriga, laakiin wuxuu nasiibku siiyay in ay wada dagaalamaan oo ay ka mid noqdaan iyaga oo is qaba Ciidamada Cirka ee Dalka Maraykanka.

Sida lagu soo bandhigay barta Inertnet-ka ee US Centeral Command oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa waxa lagu sheegay in lamaanuhu ay ka wada hawl galaan Cutubka 389 ee magaciisa loo yaqaano Biskardon, cutubkaasi oo ah ka ugu badan ee ay ku jiraan Duuliyayaasha Dagaal ee ugu khabiirsan uguna dagaalyahansan Ciidamada Cirka ee Maraykanka.

Dhibaatada ugu badan ee soo waajahda lamaanahan ayaa waxa ay tahay in mararka qaar aanay ka wada dagaalamin amase aanay ka wada hawl galin, arrintaasina waxa ay muuinaysa in hawl-galadooda shaqo aanay ahayn kuwo sahlan, waxaana inta badan loo kala diraa meelo kala duwan, aad-bayna u adagtahay in isku meelo lagu soo qoro.

Lamaanahan oo magacyadooda kala yihiin Michael Landers iyo Stacie Landers ayaa waxa ay leeyihiin khibrad aad u badanoo  dhinaca Ciidamada Cirka ee Dalkaasi , sidoo kale waxa ay tusaale u yihiin shaqo-wanaaga sida uu sheegay James Blanton oo ah hoggaamiyaha Guutadooda.

Comments are closed