Deraasad: Dhabar Xanuunka Waxa Lagu Daweyn Karaa Rukuucda Iyo Sujuudaha Salaadda
Riyadh 13. March 2017 (SDN/QJ):- Daraasad cusub oo ay soo saartay majallad ka faalloota Nidaamka farsamada iyo warshadaha ayaa lagu sheegay in dhabar xanuunka ay dareemaan inta badan dadka lagu daweyn karo qaababka Rukuucda iyo Sujuudda haddii loola yimaaddo qaabka ugu saxan ee Rukuucada iyo Sujuudda.
Daraasaddu waxay sheegtay in salaaddu ayna daweyn xanuunada jidhka oo kaliya, balse sidoo kale ay dawo wanaagsan u tahay dhabar xanuunka, haddiiba lala yimaaddo rukuucada iyo sujuudda qaababkooda ugu saxan ee Shareecadu ina amartay.
Daraasaddan oo ay ka qeyb galeen khubaro iyo macalimiin wax ka dhiga Jaamacado Caalami ah ayaa lagu ogaaday in dhabar xanuunka lagu daweyn karo salaadda, waxaana diraasadu sidoo kale ay sugtay xaqiiq jirta oo diinta Islaamku sheegtay oo ah in murugada iyo wal walka badan lagu daweeyo salaadda.
Diraasadda waxaa loo adeegsaday Computero caafimaad oo si toos ah u muujinaya dhaq-dhaqaaqa iyo falgalka qeybaha kala duwan ee Jidhka marka salaadda la tukanayo gaar ahaan marka uu qofku rukuucayo ama sujuudayo.